|

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kumaanaan Dadweyne ah Kula Tukaday Salaadii Ciidul Fitriga Masaajidka Isbahaysiga

Muqdisho Axad, 19, August, 2012….Ra.iisul wasaaraha Soomaaliye Dr. Cabdi weli Maxamed Cali ayaa kala qayb galay Masaajidka Isbahaysiga Salaadii Ciida xubno ka tirsan Golihiisa Xasiirada, Xildhibaanada cusub, Odayaasha Dhaqanka, Safiiro, Saraakiisha Ciidanka Qaran, Saraakiisha Amisom iyo Dadweyne aad u faro badan.

Masaajidka Isbahaysiga oo ah kan ugu weyn magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku soo tukaday dadweyne aad u faro badan taasina waxay cadaynaysaa halka uu marayo amniga magaalada muqdisho iyadoona ay san suurta gal ahayn Ciidaan tii ka horaysay in ay ku tukadaan Madaxda Qaranku masaajidka isbahaysiga sababo xaga amaanka awgeed.

Ra’iisul wasaaraha ayaa Salaada  kadib u tahniyadeedyey dadweynihii ku tukanayey  masaajidka isagoona safaf dhaadheer oo ay ku jireen dadku mid mid u salaamayey, waxaana uu Ra’iisul wasaarahu shacabka Soomaaliyeed u rajeeyey iney u dhalato dowlad rasmi ah dhamaadka bishaan taas oo hada dhismaheedii marayo meel gabagabo ah.

Ugu danbayntii Ra’iisul wasaaraha iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirada xildhibaanada cusub iyo dadweyne faro badan  ayaa isugu yimid hoygiisa waxaana halkaas laysugu marxabeeyey farxda Ciida iyadoona miisaska ay safnaayeen waxyaalaha macamacaanka sida Xalwada, Buskutka, Doorshaha, iyo Cabitaano kala duwan waxaase in la xuso mudan oo  meesha ku cusbaa miraha Yicibta la yiraahdo kuwaas oo ka baxa Gobolada dhexe ee Soomaaliya.

SDN-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed