|

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Gaadhay Magaalada Kismaayo

Kismaayo,30Aug,2015(IQJ/SDN)-Ra’iisul Wasaaraha Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaake, ayaa gaadhay Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubadda hoose, halkaasi oo laga sugaayay. Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha waxaa la socda Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Somalia C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa, Wasiiro kale oo Xukuumadda ka tirsan iyo Xildhibaano.

Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo waxaa ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Somalia Hogaamiyaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

raiisal wasaare

Ra’iisul Wasaaraha Somalia ayaa loo galbiyay Xarunta Madaxtooyada Magaalada Kismaayo, halkaasi oo uu shir kaga socdo.

Arimaha uu u tagay Ra’iisul Wasaaraha Somalia Magaalada Kismaayo, ayaa la sheegayaa inay tahay sidii loo xalin lahaa khilaafka Jubbaland iyo Madaxda Dowladda kala dhaxeeya.

Wixii warar ah ee kasoo kordha Booqashada Ra’iisal wasaaraha dib kala soco Insha Allaah

 

Comments are closed