Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo balanqaad u sameeyay Maamulka iyo Shacabka Galmudug
Galkacyo March 12 2013 (SDN)– Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo iminka booqasho ku jooga Magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug gaar ahaan koonfurta Magaaladaasi ayaa sheegay in maamulka Galmudug Dowladda ay ka caawinayso arimo dhowr ah.
Wasiirka koowaad ee Xukuumadda Soomaaliya Saacid ayaa sheegay in waxyaabaha Galmudug ay kala shaqeynayaan ay tahay dhanka ammaanka iyo sidoo kale horumarada deeganada Galmudug.
Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa shacabka iyo masuuliyiinta maamulka Galmudug u balan qaaday waxqabad dhab ah oo ay umuujiyaan maamulkaasi Galmudug kuna saleysan dhinacyo kala duwan.
Dhanka maamulka Galmudug ayaa si aad ah usoo dhaweeyay balanqaadka wanaagsan oo uu umuujiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya.
Dhawaanahan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa socdaalo ku maraye Gobalada dalka Soomaaliya isaga oo shalay kasoo kicitimay Magaalada Garoowe ee maamulka Puntland xalayna ku hooyday Magaalada Gaalkacyo qeybta koonfurta.
SDN-Galkacyo