Ra’iisul Wasaaraha Somaliya oo hambalyo ku aaddan Ciidul Fidriga u diray dhamaan shacabka Soomaaliyeed
Mugdisho: 8-Aug-2013 (SDN) Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), ayaa Hambalyo kal iyo Laab ah u diray shacabka soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaanba.
War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Ra’iisal wasaaraha oo Hambalyo ah, ayaa u dhignaa sidatan:
“Anigoo ku hadlaya magacayga iyo kan Xukuumadda, waxaan halkaan Hambalyo ku aadan Ciidul Fidriga uga dirayaa dhamaan ummada Soomaaliyeed in uu Ilaahay ku gaarsiiyo Sanadkan kiisa kale Barwaaqo, Bash-Bash, Caafimaad iyo imaan Suuban. Waxaan sidoo kale Ilaahayna idiinka baryayaa inuu idinka aqbalo soonkii aad soonteen bisha barakaysan ee Ramadaan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu oo dhanka kalana sheegay in. Ciidul fidiriga iyo Ciidul Adxadu ay muhiimad gaar ah u leeyihiin dadka Muslimiinta, waana maalmo weynayntoodu qiimo weyn ugu fadhiyaan dhamaan shucuubta Muslimiinta. Waxaa kulma bulshada qaybaheeda kala duwan iyagoo isugu hambalyeeynaya, farxada Ciidda,
“Waxaana halkan baaqa uga dirayaa anigoo ka fa’idaysanaya fursadaan Ciida dhamaan shacabka Soomaaliyeed inay iscafiyaan, isu naxariistaan, una midoobaan cadowgooda habeen iyo maalinba u taagan qaraxyada iyo dhibaataynta shacabka”
“Waxaana hambalyo gaar ah u dirayaa ciidamada qalabka sida oo habayn iyo maalin u taagan difaaca dadkooda iyo dalkooda, iyagoo ku shaqaynaya duruufo adag, Waxaan dhanka kale ugu baaqayaa dhalinyarada la marin habaabiyay ee loo adegsanayo dhibaataynta shacabka iyo bur-burinta dalka inay ka waantoobaan falalka argagixiso ayna ku soo biiraan bulshadooda Soomaaliyeed ee nabada jecel”
Ugu danbayntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka soo muuqato rajo wanaagsan oo dhanka siyaasadda, horumarka dhaqaalaha, adeegayada bulshada, iyo dadaal dheeri ah oo ay dowladu ugu jirto sidii ay muwaadiniinta Soomaaliyeed u heli lahaayeen nabad galyo taam ah, taasna loo baahan yahay in ay shacabku ku garab istaagaan dowladooda si wadanka loo gaarsiiyo horumar.
—DHAMAAD—
Diraac Salaad Fagaase
Communication Director Office of the Prime Minister
Mogadisho-Somalia
Media@opm.gov.so