Ra’iisul Wasaaraha oo ka soo laabtay Gaalkacyo kulana la qaatay wefdi sare oo ka socda Midowga Yurub
Muqdisho, March 28, 2012(SDN)-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. CabdiweliMaxamed Gaas iyo wefdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta ka soo laabtaysafar saddex cisho qaatay oo uu ku tegay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolkaMudug halkaasoo uu uga qeybgalay aaska madaxweynihii hore Marxuum C/llaahiYuusuf Axmed.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii joogay magaalada Gaalkacyo waxa uu kulamo la qaataymadaxda maamulka Puntland oo uu ugu horeeyo madaxweyne Dr. C/raxmaan Farooleiyo Wasiiro, sidoo kale waxa uu la kulmay ururada haweenka gobolka Mudug iyowaxgarad kale.
Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxweynaha dowladda Federaalka KMG ah Mudane Sheekh Sharif ayaa waxa ay intii ay joogeen Gaalkacyo booqdeen magaaladaGaalkacyo dhanka maamulka Galmudug isaga oo kulamo la qaatay madaxda maamulkaasi wuxuuna shirkiisan jaraa’id ku sheegay in dowladda KMG ahi ay aad usoo dhoweyneyso nabadda iyo maamul wanaaga ka jira degaanadaasi ee maamulada Puntland iyo Galmudug isaga oo ku ammaanay sida ay nabadda u sugeen islamarkaana ula dagaalameen Burcad badeed iyo Argagixisada.
Ra’iisul Wasaare Dr. Cabdiweli ayaa faah faahiyay shir uu uga qeybgalay Gaalkacyoisaga iyo wefdigiisa kaasoo looga hadlayo dhameystirka iyo dhaqangelinta qorshahaRoadmap-ka wuxuuna tibaaxay inuu si wanaagsan ku soo dhamaaday isla markaanaay soo baxeen qodobo muhiim ah habsami u socodka howlaha guddiyada iyodhaqangelinta Roadmapka.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ka hadlay xoreynta qeybo ka mid ah gobolka Galgaduud oo ay gacan ku heynteeda la wareegeen ciidaada Ahlusunna Waljamaacaoo gacan ka helaya Dowladda Itoobiya wuxuuna tilmaamay inay sii socon doonaanxoreynta dhamaaba degaanada dalka ee ay gacanta ku hayaan kooxaha Argagixisadaku dabaan ee Al shabaab.
Sidoo kale, Warbaahinta ayaa weydiisay sida uu u arko qorshe la doonayo in laguweeraro degmada Cadaado oo ay gacanta ku hayaan maamulka Ximan iyo Xeeb,wuxuuna beeniyay inay jiraan qorsheyaal la isla ogyahay oo lagu gelayo amaxoriyadda looga qaadayo maamulkaasi iyo degaanada ay maamulaan, wuxuuna xusayin Ximan iyo xeeb ay tahay maamul ka mid ah maamulada dalka ayna wadashaqeyniyo isfaham leeyihiin,Raalina aaney ka aheyn in wax loo dhimo.
Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu la kulmay wefdi sare oo ka socday midowgaYurub kuwaasoo ay ka mid ahaayeen Nic Westcott Agaasimaha guud ee qeybta Africa ee Midowga Yurub, Alexander Rondes Ergeyga gaarka ah ee Midowga Yurub GeeskaAfrika, iyo George Mark Andrea madaxa qeybta Soomaaliya ee midowga Yurub waxayna dhinacyadu ka wada hadleen qodbo badan oo ay ka mid ahaayeen in shirkii London kadib in ay qiimeeyaan arrimaha Roadmapka iyo sida uu u dhaqangalay, sidii loo soo afjari lahaa Xilliga kala guurka, sidii AMISOM iyo ciidamada qalabka sida ayugu amaani lahaayeen xisilinta iyo xoreynta dalka, iyo sidii gobolada laga xoreeyokooxaha Xagjirka ah sidii looga abuuri jawi nabadeed loogana saacidi lahaa in dib loosoo celiyo adeegyadii bulshada.
Sidoo kale, waxay diirada saareen ka hortaga Burcad badeeda iyo sidii loo sii ballaarinlahaa howlgalada Atlanta ee la dagaalanka Burcad badeeda, isaga oo tilmaamay in Midowga Yurub uu qorsheynayo in sidii howlgalkooda ay dhulka uga bilaabi lahaayeeniyaga oo kaashanaya dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliyeed.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com