|

Ra’iisul Wasaaraha oo dawladda iyo shacabka Turkiga ugu hambalyeeyey maalinta xorriyadda dalkooda

Muqdisho, October 30, 2013—–Iyadoo maanta ay ku beegantahay maalinta xorrnimada dalka Turkiga, ayaa waxaa hambalyo ku aadan maalintan u diray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”. Isaga oo ugu hambalyeeyey munaasabadda 90 sano guurada ka soo wareegtay xornima dalkooda.

“Waxaan hambalyo kal iyo laab ah halkan uga dirayaa dawladda, shacabka iyo halgamayaashii dalka Turkiga oo dadaal dheer u galay sidii ay isaga qaadi lahaayeen heeryada gumeysiga” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon oo si gaar ah hambalyo ugu diray Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Turkiga Cabdullah Gul iyo Recep Tayyip Erdogan isaga oo uga mahadceliyay garab istaagooda dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Dawladda Turkiga waxaan si gaar ah ugu ammaaneynaa garab istaagoodii waqtigii adkaa iyo sidii ay indhaha caalamka noogu soo jeedisay booqashadii Ra’iisul Wasaare Recep Tayyip Erdogan ee August 19, 2011 ” ayuu mar kale yiri Ra’iisul Wasaaraha oo xusay in 19-ka August ay u aqoonsadeen maalinta xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga.

SDN-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed