|

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa oo dalka dib ugu soo laabtay kadib shirkii abaaraha ee IGAD

Muqdisho, March 28,2014(SDN)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya MudaneCabdiweli Sheekh Axmed Maxamed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib markii magaalada Kampala ay uga qeybgaleen shir looga hadlayay ka hortagga abaaraha ee dalalka ku bahoobay urur goboleedka IGAD.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa shalay khudbad ka jeediyay shirkaasi looga hadlayay abaaraha oo ay ka soo qeybgaleen madaxweyneyaal iyo hogaamiyeyaasha dalalka IGAD, wuxuuna xusay in abaaruhu ay yihiin dabiici ka dhasha roobabka oo baaqda iyo dagaalada, balse la abuuri karo qorsheyaal horumarineed oo looga gaashaamanayo abaaraha. isaga oo dhanka kale xusay in marka ay abaaruhu ku dhuftaan qeybo ka mid ah dalalka IGAD loo baahan yahay jawaab deg deg ah iyo iskaashi dhow oo ay yeeshaan dawladdaha IGAD.

Dhanka kale, Wasiirka Xanaanada Xoolaha, dhirta iyo daaqa Prof. Saalim Caliyow Ibrow oo warbaahinta hadlay markii ay dalka dib ugu soo laabteen Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa xusay in wejiga labaad ee mashaariicda ka hortaga abaaraha iyo horumarinta bulshada ay ka faa’iideysan doonaan dalalka Soomaaliya iyo South Sudan, wuxuuna tilmaamay in qorshahan ka hortaga abaaraha uu socon doono muddo 15 sano ah.

Dalalka IGAD ayaa isla gartay muhiimada diyaar garowga ka hortaga abaaraha iyo sidoo kale gurmadka degaanada ay ka dilaacaan abaaaraha, waxaana sidoo kale la isla gartay muhiimada isku xirnaanshaha ee dalalka IGAD, waxaana xusid mudan in abaarihii ka dhacay dalalka IGAD sanadihii 2010-2011 inay ahaayeen musiibo.

SDN-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed