Ra’iisul wasaaraha Ingiriiska Oo Booqanaya dalka Maraykanka
London May 13 2013 (SDN)— Dived Cameron Ra’iisul wasaarhaa dalka Ingiriiska ayaa gaaraya Magaalada Washington ee dalka Maraykanka halkaasi oo uu kulan kula leeyahay Madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama.
Labada hogaamiye ayaa kawada hadli doona Arrimaha dalka Syria iyo sidii wax looga qabana lahaa colaada ka tagaan dalkaasi oo hada u muuqata in ay ku sii baaheyso gobolka iyo wadmada dariska ah.
Wadahadalada Dived Cameron iyo Barack Obama ay ku leelan doonaan Magaalada Washington ee dalka Maraykanka ayaa daba socda wadahadal uu Ruushka kula soo yeeshay Cameron Madaxweyne Faladamir Butin.
Caalamka ayaa wali aan isku afgaran sida wax looga qaban lahaa Syria iyadoo Qaramada Midoobay aya sheegayso in dad kabadan 70-kun oo Ruux ay ku geeriyoodeen colaadaha iyo Rabashada ka soconaya dalka Syria.
SDN-London