Ra’iisul Wasaaraha Ayaa Tababar U Soo Xiray Ciidankaii Ugu Horeeyey oo Saraakiil Soomaaliyeed Ku Tababaraan Dalka Gudihiisa(SAWIRO)
Muqdisho, 24,Juun,2013(SDN)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cabdi Farax Shirdoon (Saacid) oo ay wehliyaan Wasiirka Gaashandhiga C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi, Wasiirka Wasarada kheyraadka C/risaq Cumar Maxamed iyo Wasiirka Warfaafinta C/laahi Cilmooge Xirsi ayaa maanta xero ku taala deegaanka Jaziira taba-bar ugu soo xiray ciidamo gaaraya ilaa 880 Askari, ciidankaan ayaa goobta kusoo bandhigay gaado ka ciyaar kala duwan.
Taliyaha ciidanka qalabka sida Jen: Daahir Cilmi Aadan (Indha Qarsho) ayaa ka hadlay ahmiyada uu ciidankaan u leeyahay wax ka qabashada amaanka dalka.
“Ciidanka maanta taba-barka aan u soo xirnay waa ciidan markii aan xaraynaynay aad laysu weydiinayey halka aan ka helayno dhaqaalaha ku baxaya, waxaana sharaf u ah dowladda Soomaaliya iyadoo beesha caalamka aan wax taageero ah ka helin inay u soo dhamaystirto tababarkaan oo soconayey mudo lix bilood ah, waxaana kalsooni buuxda ku qabnaa in ciidankaan ay noqon doono kuwo ka xoreeya meelaha ay uga harsan yihiin kooxaha nabad diidka ah dalka” ayuu yiri Jeneraalku.
Wasiirka gaashaandhiga Cabdixakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa ku bogaadiyey sida mutawacnimada ah ee ay ciidankaan u dalbadeen inay dalkooda difaacaan, wuxuuna tilmamay in ciidankaan saldhiga u yahay asaaska ciidanka Qaranka Soomaaliyeed.
“Waa ciidankii ugu horeeyey ee dalka gudihiisa ay ku tababaraan saraakiil Soomaaliyeed, waxaana makhraati ma doonta ah hadii aan isku tashano inaan wax qabsan karno, ciidankaan waxay doorteen inay dalkooda iyo diintooda ka difaacaan cadowga, waana lagu abaal marin doona” ayuu yiri wasiirku
Ra’iisul wasaaraha ayaa dhankiisa sheegay in ciidankaan sida ugu dhaqsaha badan loogu dhamaystirayo agabyadii ay ku howl gali lahaa yeen,si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo.
“ Ciidankaan waxaa tababarka loo furay markii xukuumadda la ansixiyey, waana wax lagu farxo in mudo 23 sano kadib markii ugu horaysay ay ciidanka qaranka ay tababaraan saraakiil Soomaaliyeed, taba-barkaan waa wajigii koobaad, waxaana sii socon doona tababrada la siinayo ciidamada kale, waxaa xukuumadda ka go’an in dhamaan ciidanka qalabka sida ay si joogta ah u helaan xuquuqdooda” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid oo dhanka kale xusay in siyaasadda dowladda ay mudnaanta koobaad siinayso daryeelka ciidanka, waxayna golaha wasiirradu khamiistii la soo dhaafay magacabeen guddi ka shaqayn doona sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha kala duwan ee haysta ciidanka qalabka sida
Ugu danbayntii Ra’iisal Wasaaraha ayaa ciidanka la qadeeyey, isagoona kala sheekaystay duruufaha ay ku tababarteen, waxaana arinkaas qayb ka yahay dadaalka uu Ra’iisul Wasaaruhu ugu jiro sidii kor loogu qaadi lahaa moraalka ciidanka. Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa u balan qaaday kooxda horseed oo duruufo dhanka nolosha ah ay ka muuqdeen in la siinayo lacag gaaraysa 30,000 doolar, isagoona ku tilmaamay in kooxdaani ay laf dhabar u tahay guubaabinta iyo geesinimo galinta ciidanka, kooxda horseed ayaa maanta soo bandhigtay heeso ay ku cabirayeen sida ciidanka qaranku ugu heelan yihiin inay difaacaan dalkooda.
SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com