|

Ra’iisul W. Soomaaliya oo Kulan Afur Sharafeed ah u sameeyey Agaasimayaasha Warbaahinta Magaalada Muqdisho

Moqdisho July 25,2012 Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa caawa Afur u sameeyey Agaasimayaasha Warbaahinta ka howl gasha magaalada  Muqdisho, Afurkaan ayaa u jeedkiisu ahaa is xog waraysi iyo in suxufiyiinta iyo Dowladdu si wada jir ah ugu saaran dalka xiliga KMG.

Waxaa Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa ku wehliyey kulankaas Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane: Cabdulaahi Bille Nuur, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane: Cabdirisaq Cali Yuusuf (Bahlaawi) Wasiirkii hore ee Warfaafinta Xukuumada Cumar C/rashiid Mudane: Farxaan Cali Maxamuud.

Ugu horayntii waxaa goobta ka hadlay wasiir ku xigeenka Warfaafinta waxaana uu sheegay in Saxaafada ka howl gasha magaalada Muqdisho ay ku shaqeeyaan dhibaatooyin ka soo wajaha xiliyada ay ku jiraan gudashada shaqadooda.

Sidoo kale Ra’iisul wasaare Cabdiweli ayaa aad uga mahadceliyey kasoo qayb galka martiqaadka uu u sameeyey Agaasimayaasha warbaahinta.

“Waxaan ogahay inaad daruuf aad u adag aad ku shaqeynayseen dhawr iyo labaatankii sano ee uu dalku burbursanaa, waxaana ugu horeyn Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaa ehaladii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen 6-dii wariye ee lagu dilay sanadkaan 2012 gudaha Soomaalia iyagoo ku guda jira hawlahooda shaqo, waxaana ilaahay uga baryaynaa inuu Janadii ka waraabiyo. Waxaa kale oo xusid mudan in warbaahinta ka howlgasha Soomaaliya guud ahaan ay qayb libaax ka qaateen abaarihii ku habsaday koonfurta Soomaaliya sanadkii la soo dhaafay, sidaas daraadeena looga fadhiyo warbaahinta iney kaalin taas mid u dhiganta ay ka qaataan dhamaystirka Ansixinta Dastuurka si looga gudbo KMG”

Ugu danbayntii Ra’iisul wasaaraha aya ku booriyey Suxufiyiinta iney kaalin mug leh ka qaataan nabadaynta iyo sara u qaadida is dhexgalka bulshada, sidoo kale wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyey in wixii ka dandambeeya bisha Augusto 20-keeda ay Soomaaliya ka dhalato Dowladd rasmi ah.

SDN-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed