Raiisl Wasaaraha oo maanta booqday qeybo ka mid ah Bosaaso oo ay ku jirto Dekedda iy Garoonka
Bosaaso, December 28, 2011(qurbejoog.com)-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta booqasho ku tegay qeybo ka mid ah magaalada Bosaaso, isaga oo ugu horeyn soo kormeeray Dekedda magaalada Bosaaso oo ay ka socotay howlo baaxad leh, Isbitaalka Bender Qasim, Garoonka Diyaaraddaha iyo weliba xarun lagu tababaro ciidamada oo ku taala duleedka magaalada.
Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa kormeeradiisan ku wehlinayay labadiisa Ra’iisul Wasaare kuxigeen Xuseen Carab Ciise iyo C/wahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif iyo weliba madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Mudane Cabdiraxmaan Faroole, waxayna wefdigan u kuurgaleen xaaladdaha Dekedda iyo sida ay howluhu u soconayaan iyaga oo dul koray mid ka mid ah maraakiibtii ku xirneyd dekedda oo xilligaasi laga dejinayay qalab kala duwan.
Ra’iisul Wasaaraha oo shir jaraa’id ku qabtay gudaha dekedda Bosaaso ayaa waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay in Dekeddu 20 sano kadib ay shaqeyneyso inkastoo uu sheegay inay u baahantahay dayactir isaga oo intaasi kadibna u sii gudbay suuqa Bosaaso gaar ahaana goobtii uu halakeeyey dabka wuxuuna r/wasaaruhu aad ula yaabay baaxada dabka iyo sida uu u baabi’iyay guryaha.
“Runtii waxa marka lagaaga sheekeeyo iyo marka aad dul istaagto waa kala duwantahay waxaana ii muuqaneysa in hanta badan ay kiu baaba’day, waxaana dhankeena ka dowlad ahaan ku dadaaleynaa sidii aan uga qeyb qaadan laheyn caawinta dadkan” ayuu yiri R/wasaare Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale booqday isbitalka Bandar Qaasim kaasoo dhowaantan laga dhisay magaalada Bosaaso wuxuuna kormeeray qeybaha uu ka kooban yahay Isbitalka waxayna maamulka Isbitaalku ka codsadeen in dowladda Federaalku ay ka taageerto Isbitaalka dhanka qalabka caafimaadka.
Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa booqday xero lagu tababaro ciidamada Badda ee Puntland taasoo ku taala duleedka magaalada halkaasoo uu salaan sharaf uga qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Badda, wuxuuna ra’iisul wasaaruhu kormeeray qeybo ka tirsan xeradaasi.
Qurbejoog-Muqdisho