Ra’iisal Wasaarihii Itoobiya Oo Faah-faahin Dheer Ka Bixiyay Sababaha Ku Kelifay Is Casilaadii uu Maanta Ku dhawaaqay DAAWO
Addis Ababa 15. February 2018 (SDN/QJ):-Ra’iisal Wasaarihii Dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn oo goordhayd is casiley ayaa hada Faah-faahin ka bixiyay sababaha uu iskaga casiley Xilkii.
Ra’isul wasaarahe Desalegn oo xilkaasi hayey tan iyo September 21, 2012, bil kadib geeridii Meles Zenawi ayaan la ogeyn sababta uu isku-casilay. Hase-yeeshee, waxa dalkaa ka socday dhawrkii sannadood ee u dambeeyey Qulqulatooyin Siyaasadeed iyo Kacdoon Dadweyne oo ka dhacayey gobollada Oromada iyo Axmaarada oo ah labada Qoomiyadood ee Tiro ahaan kaalmaha koowaad iyo labaad ku kala jira ee dalka Itoobiya.