|

Ra’iisal wasaarihii Hore oo Somalia Cabdiwali Gaas oo u soo tafo xaytay Madaxtinimada Puntland

 

gaasAdisababa : July 25, 2013 – (SDN) Warar laga helayo magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya in Cabdi wali Gaas oo haatan ku sugan halkaasi lagu wado inuu ku dhawaaqo inuu yahay musharax madaxweyne ee maamulka Puntland.

Wararku waxa ay intaa ku darayaan in Ra’iisal wasaarihii hore ee Somalia uu kulan la qaatay Jaaliyada Puntland ee magaaladaasi ku nool, haatanna uu wado qorshahaasi inkastoo aanu  wali ku dhawaaqin  inuu musharax yahay.

 

Cabdi Wali Gaas ayaa ah nin aqoon leh oo taageero ka heysta qaar ka mid ah deegaanada Puntland, sidoo kale waxa uu leeyahay khibrad siyaasadeed oo uu dhaxlay intii ahaa Ra’iisal wasaaraha ka ahaa Somalia, waxana uu xidhiidh sokeeye oo wanaagsan la leeyahay bulshada caalamka, waxana uu ku taamayaa inuu mar uun noqdo Madaxweynaha Puntland.

 

Sanadka soo socda ayaa waxaa lagu wadaa in doorasho ay ka dhacdo deegaanada Puntland, taasi  oo aan la hubin sida ay u suurtoobi doonto maadaama bishan 15-keedii ay fashilantay doorashooyin qorshaysanaa oo ahaa dawlahad hoose, kuwaas oo uu madaxweyne Faroole baabi’iyey inay dhacaan ka dib markii shacabka reer Puntland uu ku kala qaybsamay.

 

 

Somalidiasporanews.com

 

 

Adisababa

 

Comments are closed