Ra’iisal wasaare Saacid oo Booqasho Kedis ah ku tegay Goobtii Qaraxu ka dhacay ee Magaalada Muqdisho
Mugdisho:28-july-2013 (SDN)Wafdi uu horkacayo ra’iisul wasaaraha xukuumada Soomaaliya ayaa gaadhay goobtii shalay uu ka dhacay weerarka ismiidaminta ahaa oo ay ku dhinteen shaqaale Turki ahi.
Wafdiga ra’iisul Wasaare C/faarax Shirdoon Saacid waxaa kamid ah wasiirka arrimaha gudaha xukuumada Soomaaliya iyo wasiirrka gaashaandhiga, waxana ay goobta u tageen inay soo indho-indheeyaan wixii ka dhacay Aqalka Turkigu degenaayeen.
Waxaa sidoo kale kamid ah wasiirka maaliyada xukuumada Soomaaliya, waxaana wafdiga indhahooda ku arkeen khasaarihii uu weerarkaasi geystay iyagoo murugada la qaybsaday shacabkii iyo Askartii Turkiga ahayd eek u waxyeelowday Goobta.
Ra’iiisul wasaaraha Soomaaliya oo saxaafada si kooban ula hadlay ayaa sheegay inay cambaareynayaan markale weerarkii shalay, isagoo tacsi u diray dadkii ay ka dhinteen asxaabtooda iyo ehaladoodu.
Ra’iisal wasaaraha oo watay ciidan aad u xooggan ayaa dib uga noqday Goobta, waxan u jihaystay dhinaca madaxtooyada oo uu Degen yahay.
Somalidiasporanews.com
Mugdisho Office.
Somalia.