|

Ra’iisal Wasaaraha Turky oo ku dhawaaqay Guusha Xisbigiisa ee Doorashooyinka Deegaanka

31,mar.2014(SDN)-Natiijooyinka hour dhaca ah ee ka soo baxaya Doorashooyinkii Goloha Deeganka ee shalay ka qabsooomtay Dalka Turky,ayaa tilmaamaya Horumar uu ka gaadhay Xisbiga Cadaalkadda Iyo Horumarinta ee Haatan Hogaanka u haya Dalka Turky.waxaana ilaa hadda inta la ogyahay uu ku Guulaystay 47% guud ahaanba Codbixintii shalay.Xalka Xisbiga uu Xifaaltanka Xoogani ka dhexeeyo ee Xisbiga Shacabka Jamhuuriguna uu helay 28%.
Ra’iisal Wasaaraha Dalkaasi oo ka hadlayay guusha uu xisbigiisu ka soo hooyay Doorashooyinka oo Taageerayaashiisa la hadlayay ayaa yidhi: “Maanta waa maalinta Turkiyadda Cusub.waa maalin taarikhi ah.waa 77 mayuun oo qof oo midaysan”.
Waxaana uu dhinaca kale uu taageerayaashiisa u balan qaaday inuu wax ka qaban doono Eedaha Musuqmaasuq ee bilooyinkii ugu danbeeyay dul hoganayay Xukuumadiisa.
Ankara,SDN.

Comments are closed