Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya iyo Wefti Uu Hoggaaminayo Oo Gaadhay Magaalada Garoowe SAWIRRO
Garowe,27Nov,2015(QJ/SDN)-Wafdigii uu hoggaaminayay R/wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa goordhow gaadhay magaalada Garowe ee xarunta Puntland.
R/wasaaraha iyo Wafdigiisa ayaa waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Gaas, Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Maamulkaasi.
R/wasaaraha iyo Wafdigiisa ayaa galabta ka baxay magaalada Cadaado oo xarun KMG u ah maamulka Galmudug, halkaasoo markii uu maanta duhurkii tagay lana kulmay Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed, kuxigeenkiisa iyo Mas’uuliyiinta kale.
Waxa uu hadda la kulmi doonaa Madxaweynaha Maamulka Puntland iyo Madaxda kale ee maamulkaasi, isaga oona kala hadli doono xaalada cakiran ee ka taagan Gaalkacyo.
Waxaa uu sheegay inuu ku rajo weyn yahay in in xal waara laga gaadhi doono xaalada magaalada Gaalkacyo oo uu ku tilmaamay inay tahay meelihii calanka Soomaaliya iyo dowladnimada lagu aas aasay.
Dowladda fedeaalka Soomaaliya ayaa dadaal weyn ugu jirtay tan iyo markii uu billowday dagaalkii todobaadkan degmada Gaalkacyo ku dhexmaray maamulada dariska ah, kuwaas oo ku murmay waddo laami ah oo ay dhisaysay Puntland.
.