Ragii ka danbeeyay qaraxyadii Boston oo noqday walaalo mid ay Policeku dileen kii labaadna lagu dabo jiro
Boston April 19,2013(SDN)-Laba ruux oo la sheegay in ay ka danbeeyeen qaraxyadii Boston ka dhacay Isniintii ayaa noqday laba nin oo walaalo ah oo ka soo jeeda dalka Ruushka.
Labadan ruux ee walaalaha ah ayaa la kala yidhaahdaa Tamerlan Tsarnaev oo 26 jir ahaa oo Policeka Boston ay xalay toogasho ku dileen,ka dib kolkii ay rasaas is weydaarsadeen labada nin ee walaalaha ah.
Waxa hada Policeka Boston ay ku daba joogaan Dzhokhar Tsarnaev oo 19 jir ah oo ka qeyb qaatay qaraxyadii.
Policeka ayaa gebi ahaan joojiyay isu socodkii magaalada,ma jiraan gawaari,duyuurado shaqeynaya.
Shicibka magaalada Boston iyo nawaaxigeeda ayaa loo sheegay in ay ku jiraan aqaladooda oo aaney dibeda u soo bixin.
SDN-Boston
contact@somalidiasporanews.com