|

Ragga Reer Sucuudi Oo Looga Digay Inay Guursadaan Haweenka Yemeniyiinta ah ee Aan Sharciga Haysan

Riyaad:Aug,08,2015(SDN/QJ)-Xukuumadda Waddanka Sucuudiga, ayaa Ragga waddeenka u dhashay inay guursadaan Haweenka aan sharciga haysanin ee u dhashay waddanka Yemen, kuwaas oo dalkaasi si weyn usoo gelaya.

bikc Qoraal digniin ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Sucuudiga shalay, ayaa lagu sheegay in ciqaab adag la marsiin doono muwaaddiniinta ragga iyo dumarka dalkaas ee oggolaansho la’aan u guursada ajnabiga  aan haysan dhukumantiyo lagu aqoonsan karo halka ay asal ahaan ka soo jeedaan iyo caddaymo lagu raad-raaci karo haddii loo baahdo.

“Waxa aannu ogaannay in ragga Sucuudiga ah, gaar ahaan kuwa da’ ahaan waaweyn ay guursadaan hablo u dhashay dalka Yemen, siiba degaannada ku yaal xadka Sucuudiga iyo Yemen, iyagoo hay’adaha dawladda ka dalbada in loo sharciyeeyo dumarka ay guursadeen, sababtoo ah waxay ogyihiin inay marka hore jabiyeen sharciga,” ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Daakhiliga ee Sucuudiga.

Sida lagu baahiyey telefishanka Al-jazeera, hay’adda Qarammada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR, ayaa sheegtay in qaxooti gaadhaya ilaa 30 kun oo Yemeniyiin ah iyo ilaa 10 kun oo ajnabi ku noolaa Yemen ay u qaxeen dhinaca Sucuudiga, kuwaasoo ka gudbay xadka labada u dhexeeya oo dhererkiisu dhan yahay 18 kun oo kilomitir.

Ma cadda sababaha muwaaddiniinta Sucuudiga loogu diiday inay guursadaan dumarka Yemen ee aan sharciga haysan, balse waxa la sheegay in go’aanka digniinta ah la xidhiidho sababo dhinaca ammaanka, maadaama dalka Sucuudigu hoggaaminayo xulafada dagaalka ka wada Yemen.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

 

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed