|

”Raga Hareerahayga Taagani Waxay Inoo Bilaabeen Albaabkana ka Fureen Somaliland-ta aan Ku Riyoonayo Taas oo ah Somaliland…,Hadaan Talada Dalka Ku Guulaysto Waxaan ka Daba Tegi doonaa Hanti Kasta oo Laga Musuq Maasuqay Qaranka”Gudoomiye Cirro DAAWO

Hargaysa 20. July 2017 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda ahna Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro oo Maanta ka hadlayay Munaasibad Loo Sameeyay Siyaasiyiin Ku Soo Biiray Xisbiga Waddani ayaa Balanqaaday in Hadii Xisbiga Waddani Hogaaminta Qarankan ku Guulaysto inay ka daba tegi doonaan Nooc kasta oo ka mid ah Hantida Qaranka oo Sifo Sharciga Baalmarsan loo Lunsaday.

Gudoomiye C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro Waxaa kale oo Soo bandhigay Hadimooyin uu Xisbigiisu ka Tirsanayo Dhigiisa Talada dalka haya ee Kulmiye iyo Xukuumadda Somaliland Isagoo Sheegay in Tobankii Cisho ee u danbeeyay Xabsiga Loo Taxaabay Ilaa 20 Saraakiil oo Sare oo Xisbiga Waddani ah Kuwaas oo uu Xusay inay Qaarkood Weli Ku Jiraan Xabsiga,Waxaanu ku Goodiyey inuu ka dhamaaday Dulqaadkii Isla Markaana hadii la Joojin waayo Tacadiyada lagu hayo Xisbigiisa ay si Buuxda uga falcelin doonaan,Maadama sida uu Yidhi ay Ficiladani Dhabar Jebin karaan Doorashada la filayo inay dalka ka qabsoonto iyo Xasiloo

Khudbad Dhinacyo badan Leh oo Gudoomiye C.raxmaan Cirro Madashaasi ka Jeediyay ayaan Muuqaalkeeda Halkan Idiinku soo Gudbinayaa ee Daawasho Wacan.

Comments are closed