|

“Rag Wasiirro noqday, Laakiin Ku Fashilmay Ammaanada loo Dhiibay mooyee intii kale Kulmiyey ku qallajisteen..” Wasiir Cadami DAAWO

Ceerigaabo 06 November  2017 (SDN/QJ):-Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami oo ka hadlay Fagaaraha Khayriyada magaalada Ceerigaabo oo ay Taageerayaasha Kulmiye Masuuliyiin uu ka mid yahay kala qaybgaleen isu-soobaxa ololaha maalinta lixaad ee Xisbigaas oo Maanta qabsoomay, ayaa sheegay in Wasiirrada ka baxay Kulmiye yihiin kuwo ku fashilmay masuuliyaddii iyo ammaanadii Qaran ee loo dhiibay.

Waxa uu Wasiir Cadami sheegay inay Kulmiye inta badan Dadka reer Somaliland iyo Masuuliyiinta Xukuumadda soo maray ku qallajisteen oo ay garab-taagan yihiin Musharraxa Madaxweynaha Xisbigaas Muuse Biixi Cabdi oo ay Ceerigaabo isu-soobaxa lixaad ee ololohooda kaga wada qaybgaleen.

Khudbadda kooban ee Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami ka jeediyey Fagaaraha Khayriyada Magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

Comments are closed