|

Rag lagu dilay Caawa Magaalada Gaalkacyo

Gaalkacyo 09.July 2016 (SDN/QJ):- Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa caawa lagu dilay labo nin halka mid kalana dhawac uu soo gaaray kadib markii nin horay askari u ahaa uu xabad ku furay dad shacab ah.

GAALKACYONinka dhawaca ah ayaa xaaladiisu ay aad u wanaagsantahay sida ay sheegeen hawlwadeenada caafimaadka isbitalka guud ee magaalada Gaalkacyo oo la gaarsiiyey dhaawaca ninkan shacabka.

Jante Faarax Cali Muuse,oo dilka gaystay ayaa la sheegay inuu horay looga ruqseeyey Ciidamada dawlada Hoose ee degmada Gaalkacyo.

Dilkii ugu danbeyey ee ka dhacay magaalada Gaalkacyo ayaa ahaa kii kooxo hubaysan ay ku dileen xildhibaan ka tirsanaa mudanayaasha golaha deeganka degmada Gaalkacyo xaafada Garsoor.

Comments are closed