Rabshado Xoogan oo u dhexeeya Dadka Madowga ah ee Maraykanka iyo Ciidamada Amaanka oo Ruxay Magaalada Ferguson iyo Obama oo ka hadlay
Ferguson 25.Nov 2014 (SDN/QJ)- Madaxweynaha Dalka Maryaykanka Barack Obama, ayaa Dalbaday sidii loo joojin lahaa Rabshadaha ka socda Magaalada Ferguson, kuwaas oo ka dhashay Dilka Wiil dhallinyaro ahaa oo madow ahaa, kaas oo uu toogtay Askari ka tirsan Ciidamada Ammaanku.
War kooban oo laga soo saaray xafiiska Madaxweyne Obama ayaa waxaa loogu baaqay dadka Ferguson degen inay deganaan muujiyaan oo ay joojiyaan rabshada ay wadaan taasoo dhabaha u xaadhaysa in xal laga gaadho arrinta ay ka cabanayaan ee cadaalad darradda ah.
Rabashadihii ugu xooganaa ayaa tan iyo xalay ka dhacaya magaalada Ferguson waxaana ay dadka magaaladaan ka cabanayaan cadaalad darro ay ka tabanayaan dhanka garsoorka kadib markii inuu dambi la’aan yahay lagu sheegay sarkaal cadaan ahaa oo toogasho ku dilay wiil dhawr iyo taban jir madow ahaa oo uu Magaaladaas ku toogtay bilowgii bishii August ee sanadkaan.
Rabshadaha ayaa sii xoogaysanaya, waxana Magaalada Haatan ka socda Bililiqo iyo dab la qabadsiinayo Goobo gaar ah iyo Gaadiid, iyadoo ciidamada Ammaanka iyo dadkuna si weyn iskugu dhacsan yihiin.
Ferguson SDN/QJ
contact@qurbejoog.com