|

Raashin Mucaawimo ah oo la Gaadhsiiyay Gobolka Sool,Qaybna ka ah Deeqdii Dawlada Turkiga

Laascaanood 28.April (SDN) Gudoomiyaha Gobolka  Sool Maxamed faarax oo uu weheliyo Maayirka Magaalada Laas-coodC/qaadir Jaamac ayaa maanta la wareegay saamiga Gobolka Sool  uu ka helay Raashinka mucaawinada ah ee dalka turkigu ugu deeqay Dalka somaaliland.

Gudoomiyaha Gobolka Sool oo Gudoonka Deeqdaasi ka hadlay ayaa waxa uu  uga  mahad  celiyey Xukuumadda Somaliland  sida wanaagsan ee Deeqdaqasi Raashinka ah loo soo gaadhsiiyey Saamigii uu ka  helay Gobolka Sool.

Gudoomiyaha Gobolka Sool waxa kale oo uu  sheegay ,in deeqdan Raashinka ah  la gaadhsiin doono dhammaan tuulooyinka iyo magaalooyinka Gobolka Sool, qaybinta Raashinkaasina ay u saareen  Guddi ka kooban Culimada, wax-garadka iyo masuuliyiin  heer Gobol iyo heer degmo ah.

Mud, Maxamned Faarax Gudoomiyaha Gobolka Sool waxa uu dadweynaha Gobolka ugu baaqay inay si wanaagsan uga qayb qaataan habsami u qaybinta raashinkaasi deeqda si  ay u gaadho dadka dan yarta ah ee loogu tala galay, Raashinkan caawimada ah  ayaa waxa Gobolka Sool  saami ahaan uu ka helay  todoba boqol oo tan ioo isugu jira sonkor iyo daqiiq.

Laascaanood SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed