|

Raashin dhacay oo Turkiga dib loogu celinayo

Muqdisho July 21, 2024(QJ) -Xeer ilaalinta Qaranka ayaa qaaday tallaabooyin culus oo la xiriira raashin dhacay oo 7-dii bishii Maarso ee sanadkan lagu qabtay dekedda magaalada Muqdisho, kaasoo la doonayay in lagu iibiyo suuqyada dalka.

Hay’adda Raashinka iyo Dawooyinka Soomaaliyeed ayaa markii ay baaritaan ku sameysay raashiinkan oo ahaa Bur, lagu keenay 7 Kunteenar. Natiijooyinka waxaa lala wadaagay hay’adaha baarista ee dalka.

Xeer ilaalinta Qaranka ayaa ugu danbeyn ku dhawaaqday in burku dhacay, taasoo keentay in dib loogu celiyo wadankii laga keenay ee Turkiga, waxaana magdhow laga dalbaday shirkaddii ka dambeysay raashinka dhacay.

Sidoo kale, Hay’adda Raashinka iyo Dawooyinka ayaa digniin culus u dirtay Shirkadaha iyo Ganacsatada Soomaaliyeed, iyadoo sheegtay in tallaabo adag laga qaadi doono cid kasta oo dalka keenta raashiin dhacay.

Comments are closed