|

Raad-gurayaashii la Raad-gurayey iyo Guushii ay Soo Hooyeen Qaybtii 4aad W/Q: Rashiid Sulub Caalin

Markii uu shirkii dhammaaday, ee uu ka soo baxay Hoos-u-jeed, ee uu xafiiskiisii tegay, ayaa waxa la soo hadlay inankiisii oo muddo dhowr iyo toban sannadood ah aanay wadi hadlin wuxuuna ku yidhi ‘aabbo naftani meel ma jirto inagoo isku cadhoonaynana ma doonayo inaynu kala dhimano, wixii aynu ku kala tagnayna waxa weeyi hooyaday sidii aad u gashay oo aanad adigu xumaan ugala jeedin , ee shaqadaada aad wax-walba ka horaysiin jirtay, markaa aabbo waxaan doonayaa xajka soo socda inaynu wada tagno, oo aynu halkaa ku ducaysanno.’ general Hoos-u-jeed waligii maalin uga qiimo badnayd muu arag maalintaa , labadii arrimood, ee uu ku hamiyi jiray intaanu dhiman, ayaa labadiiba maalin kaliya dheceen , islamarkaana martiqaadkii golaha kacaanka ,iyo golaha wasiirada lagu martiqaadaynaa wuu ka mabsuuday. nimankii abwaaniinta ahaa ee cabdi qays iyo hadraawi shaqadoodii tilmaanta ee dadka ay ku toosinayeen in xukunkani yahay mid faasida oo uu cidhibxumana ku dambaynayo ayey halkii ka sii wateen, dadkiina way ka dheregiyeen sheekadiina waji labaad ayey isku beddeshay oo baraarujintii bulshada ayey ku hantiyeen abwaanadu maskaxda dadweynaha, oo halkaa  shaqo fiican ayey ka qabteen. wakhtigaa aynu ka hadlayno is-beddelo waa-weyn iyo guulo uu kacaanku soo hooyey ayaa jiray, waxyaalihii dhacay ee dadku aad uga raali noqday waxa ka mid ahaa:

 in afsoomaaligii la qoray, inay nabadii meel walba gaadhay, in waxsoosaarkii uu kordhay, in wershado la furay, in luuqadda carabiga dadka la baray, in abaartii daba dheer si fiican loo maamulay, inay qorsheeyeen sidii bacaadka beeraha ku soo fidaya wax uga qaban lahaayeen, inay siyaasadii dibada ee waddamada carabta iyo africaanka gaarahaan ay guulo badan ka soo hooyeen, waxa kale oo ay dowladdu la wareegtay ajanabigu shirkadihii ay lahaayeen waxaana la daryeelay shaqaalihii iyaga u shaqaynayey waxa kaloo iyaguna soo kordhay in reer miyi badani magaalada soo galay abaaro awgeed oo ay markaa u fayteen dadweynihii inay u dhoofaan dhinaca waddamada carabta oo ay shaqooyin ka doontaan, qaarna ay ciidamada isku shubeen, iyadoo caasimadii muqdishana loo eekaysiiyey caasimadaha kale, waxaan la iloobayn iyaguna barnaamijkii degdega ahaa, ee 2000 macallin lagu tababaray 2 sannadood gudahood, inta ay ku jireen tababarkaasna iskuulo badan la dhisay, kuwaas iyo kuwo kaloo badan ayaa wakhtigaa si fiican ugu hirgalay.

Waxyaalaha dadweynuhu markaa diiday waxa ka mid ahaa:

  1. 1.      Dadkii oo xorriyadii laga qaaday oo la cabudhiyey , oo ciddii juuq tidhaahdaba la xidho.
  2. 2.      Dilkii caynaashe iyo salad gabayre , oo dil xaqdarro ah lagu dilay isagoo siyaad barre ugu quusgoynayey inaan cidina milatariga dhaqdhaqaaqin, taasna wuxuu u samaystay maxkamad milatari oo xukunkeedu adag yahay, waxa kale oo dadku aad uga biyo diideen, dilkii wadaadada waxba aan galabsannin oo iyadana uu ugu quusgoynayey wadaadada.
  3. 3.      In dadkii siyaasiyiinta ahaa, ee ay xukunka ka inqilaabeen ee xidhnaa oo aan wali soo daynin, iyo cabudhin siyaasadeed oo xad-dhaafa oo taagnayd oo ay dadweynuhu hadiyo jeer ka caban jireen.
  4. 4.      Reerka uu Siyaad Barre ka soo jeeday, oo uu shaqooyin muhiima kula dul-kufay
  5. 5.       iyada oo aan cayimin wakhtiga ay shicibka ku celinayaan xukunka, arrintaas oo adduunweynuhu culays ku saari jireen.
  6. 6.      Waxa kale oo ay dadku ka biyo diideen dadkii layska tooganayey ee dowladda u shaqaynayey in 100,000 oo ay lunsada lagu toogan jiray

Siyaad Barre adduunweynihii iyo madaxdii Afrikaanka, ayaa u soo dhoweeyey , qiimo gaarana wuu ku yeeshay islamarkaana wuxuu yeeshay ciidan milatari iyo filifoos oo todobaatan kun ah oo si fiican loo tababaray oo hub fiicanna la siiyey,

Markaa waxyaalaha ay xoogga saareen ka mid ahaa labada idaacadood ee Raadiyow Hargeysa iyo Raadiyow Muqdisho inay waddanka wadda gaadhaan barnaamij barobogaando ahna dadka ku furaan, si ay dadku uga soo leexdaan abwaaniinta, idaacadahana waxa ka bixi jiray barnaamijyo qiimo leh oo maskaxda dadka lagu jiidanayo, sidoo kale wargeys afka dowladda ku hadla , oo isagana aad loo dhisay, markaa abwaaniintii waxay raadguridii u beddeleen kasbashada maskasxda dadweynaha , halkaasna waxa ka dhacay kooxdii Hoos-u-jeed iyo abwaaniintii oo dagaal kulul dhexmaray.

Markaa Hoos-u-jeed iyo ciidankiisii waxay bilaabeen qorshihii ay dhigteen ee ay kaga hortagayeen waxaanay bilaabeen inay digniino siiyaan nimankaa abwaanada ah inay ka joogsadaan mucaaradnimada , taasi markii ay u shaqayn waydana waxay bilaabeen cagajuglayn iyo handadaad, labadii abwaan iyo intii la safnayd waxay heleen taageero cajiib qabta oo dadweynaha ah gaar ahaan reer sh. Isaxaaq, markaasi waxa isku soo faramuruxsadday labad nin ee Hadraawi iyo Cabdi Qays iyagoo  geed adayg u dhashay oo aan la loodin karayn lana  iibsan karayn mabda’na ku dagaalamaya, dhinaca kalena waxa ka soo jeeday general Hoos- u-jeed, oo geed adayg iyo maskax cajiib qabta u dhashay dabadana ku wata Siyaad Barre iyo Cali Samatar oo taageero badan oo dibada ah iyo mid gudahaba haysta.

Khaladaadka ay galeen dowladda iyo Hoos-u-jeed waxa ugu weynaa inay yaraysteen labadaa nin, oo aanay habayaraatee wax aqoona aanay u lahayn. Waxaana taa kuu cadaynaya 1992kii meel aanu ku qayilaynay ayuu CabdiQays daf soo yidhi goor salaadii cishaa’I ah markaa siday sheekadaasi ku timid ma sii xusuustee wuxuu ka sheekeeyey nin jin ah oo boqora oo qolada gaalada ah inuu jeclaaday inan reer Hargeysa ah, sidii aanu afkiisa u eegaynay oo laba jeer oo danbe qaad la soo qaaday, ayaa salaadii subax aanu u kacnay isagoo dhammeeyey markaasuun sheekadii. Waxaanay ku guuldaraysteen qorshayaashaas inay joojiyaan dabkii ay huriyeen abwaanadu. dagaalkiina wuxuu isku beddelay maskaxda shicibka oo la loo kala dheeraynayo.

Sidoo kale, waxa ku soo biiray haglganka rag muhiim ah, oo ay ka mid yihiin  Maxamed xaashi dhamac (Gaarriye), Siciid saalax iyo kuwo kaloo badan.

Markaa dhammaan markay fuliyeen qoddobadii, ee sannad ka soo wareegay, islamarkaana ay wax muuqdaa uga hirgali waayeen, ayaa xadhig adag lagu xidhay Cabdi Qays iyo Hadraawi. Xadhigaas oo watay toojar la toojar garaynayey iyo dhibaatooyin kale oo naftooda loo gaysanayey, xannuunadaa iyo dhibtii loo geystayna ilaa maanta labadaa abwaan waa mid saamayn xoog leh ku yeelatay maskaxdooda iyo caafimaadkooda.

1976kii 21 October sannadguuradii 7aad ee kacaanka, ayaa fagaarihii lagu qaban jiray xafladahaasi, salaantana uu ku  qaadanayey maxamed siyaad Barre ciidamada kala duwan, sida kamaandowka qaylinaysaa markay soo marto, iyadoo ciidanka kamaandowska oo raran oo orad gaaban ku socda afkana hadal baqdin galinaya ama farxad galinaya ay soo mari jireen, halka ay diyaaraduhuna dul heehaabayaan, dumarkuna ay mushaxaradayaan ayaa isagu wuxuu hoosta ka lahaa ‘balaayo la mashaxarada’. Waxa kale oo uu  is-weydiinayey inay khatar weyni ku soo socoto, maadaama, ilaa todobaatan kun oo ciidan ah oo hubkoodii casriga wata oo ay diyaaradihii dul heehaabayaan, oo hub noockastaaba meesha marayo, ayaa waxa baqdin galiyey inay ciidankan aad u hubaysani ay maalin maalmaha ka mid ka dhextoosaan, sidii iyaguba ay inqilaabka ugu rideen dowladdii shicibka ahayd, habeenkii labaad eyey golaha sare isku yimaadeen shir, markuusuu Siyaad Barre codsi u soo bandhigay inaan todobaatan kun oo ciidan ah, oo intaas oo hoggaan u kala baxda iyo intaasoo guuto, oo ay saraakiisha badankooduna ku soo qaateen tababar dalka Ruushka iyo tobankun oo kale ee ahaa jabhadihii Itoobiya la dagaalamayey, oo iyaguna ahaa kuwii Kuuriya wax lagu soo baray, ee dhibtooda iyo walwalkooda lahaa. Waxaana markii arrinka la rogrogay laysla qaatay in ciidanka intaa le’eg faraha aan lagu hayn karayn, oo sidii uu aaminsanaa Siyaad Barre wax kastoo is-haysta ama dheeraadaa inay meel uun ka dilaaci doonaan. Iyadoo dilaacii hore ee abwaaniinta uu u taag laayahay.

W/Q: Rashiid Sulub Caalin Email:sulub.raabi@hotmail.com

 

Comments are closed