Raacii u horeeyay Jab’had beeleedkii Suldaan Wabar oo Maanta isu soo dhiibay Maamulka Gobolka Awdal DAAWO
Boorama 16.Nov 2015 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Gobolka Awdal oo ay Weheliyaan Madax ka tirsan Golayaasha Qaranka ayaa ku qaabilay Deegaanka Degmo Laqas oo 35 Km Galbeed ka Xigta Magaalada Boorama isla markaana ah Xuduuda ay Wadaagaan Somaliland Iyo Itoobiya 70 Ka Mid ahaa Ciidan beeleed uu Gudaha itoobiya ku uruursaday Suldaanka Somaliland ka Falaagoobay ee Wabar.
Weriye ka tirsan Shabakada Qurbejoog.com oo deegaankaasi gaadhay ayaa sheegay in Madaxweyne Ku Xigeenkii 2aad ee Somaliland C.raxmaan Aw Cali Faarax oo ka mid ahaa Mas’uuliyiintii qaabishay Maleeshiyaadkan oo halkaasi ka hadlay uu Sheegay in looga baahan yahay Sidii ay dalkooda Somaliland iyo dadkooda wax ula qaban lahaayeen waxaa uu Mujaahid C.raxmaan Aw Cali Xusay in Dagaal dad ku dhinta mooyee aanay Jirin Cid ku dhalata,Waxaa kale oo uu Tilmaamay astaanta baadi soocda u ah Bulshada Gobolka Awdal oo ah Kuwo kaalin weyn ka soo qaatay dhismaha qaranka Somaliland isagoo intaas ku daray in laga feejignaado wax kasta oo Xumaynaya Magaca Gobolka Awdal.
Badhasaabka Gobolka Awdal Maxamud Cali Saleebaan Ramaax ayaa dhankiisa sheegay inay fulinayaan Balanqaadkii Xukuumada isla markaana ay si toos ah u qaramaynayaan Ciidankan Kuna darayaan Safafka Ciidanka qaranka Isagoo intaas ku daray in tani ay ku timid Cafiskii Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland u fidiyey Suldaan Wabar iyo Cidii la socota.
Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Maayarkii Hore ee Magaaladda Boorama, Suldaan Xasan Xadi Baade, Iyo Sheekh Xasan Diheeye oo ka mid ah Culimada Magaalada Boorama oo dhamaantoodba soo dhaweeyey Talaabadan ay Maleeshiyo beeleedkani ku qaateen nabadgalyada dalkooda.
70-Kan qof ee Maanta isa soo dhiibay ayaa Labaatan ka mid ahi Waxay ahaayeen kuwo Hubaysan halka inta kale ay ka ahayd Sacabaley aan wax Hub ah sidan.