R.W Cabdiweli oo ka Tacsiyeynaya Geeridii ku timid Marxuum S/G Cumar Xaaji Masalle
Muqdisho Nov26, 2014(SDN/QJ)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda F. Soomaaliya, Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diraya dhammaan qoyska,qaraabadii iyo guud ahaan ummada Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday allaha u naxariistee Marxuum Sareeye Gaas Cumar Xaaji Masalle, oo xalay ku geeriyooday magaalada Lassester ee dalka Ingiriiska.
Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa tilmaamay marxuumku in uu ahaa muwaadin jecel horrumarka iyo nabadda Soomaaliya, isla markaana ahaa shakhsi jecel in Soomaaliya ay dib gacmaheeda isu taagto.
“Innaa Lillaah Wa innaa Ileyhi Raajicuun, geeridu waa xaq, maanta ummadda Soomaaliyeed waxaa ka tagey mid ka mid ah geesiyaashiisii iyo halgamayaashiisii naftooda u hibeeyey u adeegidda qarankan, anigoo ku hadlaya magacayga iyo kan Xukuumadda, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan ehelkii, qaraabadii iyo guud ahaan ummada Soomaaliyeed ee uu ka baxay marxuum Cumar Xaaji Masalle. ayuu yiri R.W Cabdiweli oo dhinaca kale si gooni ah tacsi ugu diray Cabdulqaadir Xaaji Masalle iyo dhammaan qoyska iyo qaraabada uu ka geeriyooday.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa ugu dambeyn tilmaamay in marxuum Cumar Xaaji Masalle door muuqda uu ka qaatay shirarkii dib-u-heshiisiinta kooxaha Soomaalida loogu qabtay Jabouti, Addis Ababa, iyo Qaahira dowlad bur-burkii kadib.
Marxuum Cumar Xaaji wuxuu ku biiray ciidamada qalabka sida sanadkii 1960. Wuxuuna taliyaha ciidanka lugta ka gaaray darajada sareeye Gaas, waxa uu xilal kala duwan iyo shaqooyin u soo qabtay qarankan weyn ee Soomaaliya waxana ugu muhiimsanaa xilka wasaaradaha Gaashandhiga iyo caafimaadka xiligii ay jirta dowladdii dhexe, isagoo sidoo kale soo noqday xildhibaan dowladii carta lagu soo dhisay.
SDN/QJ-Muqdisho