|

Qurbejooga UK oo ku guuleystay in magaalada Leicestershire Debdemiskii Afraad ugu deeqdo Muqdisho

Leicestershire Sept 11,2013(SDN)-Magaalada Leicestershire ee dalka UK ayaa magaalada Muqdisho ugu deeqday gaari debdemis ah

Gaarigan oo lagu qiimeeyay £14,000 ayaa waxa in Muqdisho loogu deeqo gacan ka geystay hay’ada Samafalka Iqra.

Dave Webb oo ah madaxa debdemiska Leicestershire oo ka waramay caqabadaha heysta ciidanka dabdemiska Muqdisho ayaa yiri”dhibaatooyinka ugu waaweyn ee heysta Muqdisho waa colaada iyo biyo la’aan.kolka gaariga ay buuxinayaan waa in ay dib ugu noqdaan xarunta QM ee Muqdisho”ayuu yiri Dave Webb.

Daran Farax oo ka hawlgala xafiiska Duqa magaalada ayaa sheegay in deeqdani ay mid wax ka tari doonta isu soo dhaweynta bulshada.

Magaalada Muqdisho ayaa mudo dhawr iyo labaatan sanadood ka dib ah haatan ku hawlan sidii adeega debdemiska dib loogu hawl gelin lahaa.

Muqdisho ayaa haatan waxa la dagaalanka dabka ku hawlan shaqaale dawladeed oo tiradoodu tahay 53 ruux.

SDN-Leicestershire
contact@somalidiaspornews.com

Comments are closed