Qurbejooga Soomaalida oo werwer ka qaaday Hadal Masuuliyad daro ka muuqato oo ka soo yeeray Wasiirada Arrimaha Dibedda Kiinya
London Sept 25,2013(SDN)-Haweeneyda ah wasiirada Arrimaha Dibedda ee dalka Kiinya Marwo Aamina Maxamed ayaa dhawaan warbaahinta caalamka la wadaagtay hadal aad uga nixiyay ugana yaabiyay Soomaalida Qurbaha ku nool.
Marwo Amina Cabdilahi ayaa sheegtay in qurbejoog Soomaali ahi ay ka mid ahaayeen kooxdii weerarka ku qaaday Westgate Mall.
Hadalkan laga soo xigtay marwada ayaa ah mid aan laga fileyn ruux mudo dheer ku dhexjiray hawlaha diblomaasiyada.
Isla markaana ah Haweeney Soomaaliyeed tii ugu horeysay oo gaarta heerka diblomaasiyada ugu sareysa caalamka.
Soomaali faro badan ayaa aad ugu farxay kolkii uu madaxweynaha Kiinya Uhuru Kenyata uu xilkaa u magacaabay marwo Amina Maxamed.
Hadalka ka soo yeeray wasiirka arrimaha dibedda ee Kiinya ayaa hadalkeeda ku saleysay sheegashada ay shabaabku ku shaaciyeen magacyada dadkii ka qeyb qaatay weerarka iyo ilo wareedyo aan lagu kalsoonaan kareyn.
Si kastaba ha ahaatee waalid faro badan oo ubadkooda kala soo baxsaday Shabaabka ayaa haatan werwer ka muujiyay hadalka wasiiradan Soomaaliyeed khatarta ku gelisay caruurtooda.
SDN-London
contact@somalidiasporanews.com