|

Qurbejooga Beelweynta Gadhxajix oo Dareen ka bixiyay Ficilka Xukuumada Somaliland isku hortaagtay Shirweynaha Beesha Habar-Yonis

London June 06,2012(SDN)-Kulan ay dhawaan isugu yimaadeen Qurbejooga beelweynta Gadhxajis ayaa waxa looga wada hadlay ficilka ay xukuumada Madaxweyne Axmed Siilaanyo isga hortaagtay Beesha Habar-Yonis kulan aayo ka tashi ah oo ay iclaamisay beeshu in ay isugu timaado magaalada Ceerigaabo.

Beesha Gadhxajis ee kulankan ku yeelatay London ayaa waxa looga arinsaday sida ugu haboon ee arinkan loo wejihi karo.

Beeshu waxa ay is tusaaleysay in hanka beesha ee shirkaa ku wejahan in uu yahay mid ay beelaha kale  kala siman tahay.

Beelaha Somaliland ayaa gidi kulamo aayo ka tashi ah oo aan lidi ku aheyn jiritaanka Somaliland  dhawaanaha yeelanayay.

Kulamadaana waxa laga xusi karaa mid Beesha Madaxweynuhu isugu timi xili dooraashaadkii uu xilka kula wareegay magaalada Gadh Adag.

Beesha oo gidi arimahaa is tusaaleysay ayaa isla qaatay in xukuumada lagu hoga tusaaleeyo xaqa iyo xuquuqda muwaadiniinta kulanka damacsan.

Sidoo kalena waxa beelweyntu isla qaadatay in aan loo kala hadhin ka miro dhalinta Kulanka Ceerigaabo,gudo iyo dibedba.

Qurbaha ayaana la isla qaatay in abaabulku ka bilowdo si shirkaasi uu u qabsoomo.

Kulanka waxa la is kula qaatay in ergo iska dhex doorato deetana dalkii ay tagto si kulankaa looga miro dhaliyo.

SDN-London

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed