|

Qurbejoog, marka aad dhoofayso wakhtiga fasaxyada xagaaga, ha iska dhoofin uun ee si la yaqaan u dhoof!!!! Q1aad

Sida caadiga ah wakhtiga uu soo dhowaado ama la gudogalo xilliyada fasaxa ee Kulaylaha/xagaaga, waxa dadka badankiisa gasha naruuro iyo nashaad hor leh. Waan dhoofayaa, lixda bisha ayaan ku qoranahay, aniga ayaa kaa horayna oo 2da ayaan baxayaa, Caruurta ayaan kaxaynayaa, Guri ayaan soo dhisanayaa, waan soo Guursanayaa, Waalidkii iyo ehelkii ayaan soo eegayaa, wadankii waxaan soo mooganaa 20 sanno iyo ereyo la mid ah ayaad ka maqlaysaa bulshada qurbejooga ah marka la isugu yimaado goobaha lagu kulmo/sheekeysto sida makhaayadaha oo kale.

Wakhtigan xagaaga ah, waxa midiyaha soofeysta xafiisyada tigidhada diyaaradaha

jara ee loo yaqaano Travel Agencyga oo inta badan suuqoodu liito marka laga reebo wakhtiyada fasaxyada, xiligaas oo ganacsigoodu kor u kaco. Marka aad tagto goobaha tigidhada lagu iibiyo, waxaad arkaysaa dadka oo baayacaya tigidhadii ay ku dhoofi lahaayeen. Inkasta oo wakhtigan xaadirka ah internetka laga goosan karo tigidhada diyaaradaha aduunka, iyada oo la isticmaalayo kaadhka Bankiga, hadana dad badan oo Soomaalidu ka mid tahay marka ay dhoofayaan waxa ay doorbidaan inay tigidhada ka goostaan dukaanka tigidhada iibiya. Sababo dhawr ah ayaa jira oo kelifaya in dadku Travel Agencyga ay ka doorbidaan Internetka.

Waa ta koowaade, internetku malaha gorgortan ama baayacaad halka qofka Tigitka

iibinaya aad kala hadli karto qiimo-dhimis. Waa ta labaade, dadka waaweyni kalsooni badan kuma qabaan aadna ugama dhaadhacsana quraarad-computer la yidhaahdo ayaa dhamaan hawshii safarkaaga kuu dhamaynaysa oo lagaga maarmayaa inankii wanaagsanaa ee xafiiska Tigidhada joogay ee wax walba u dhamayn jirey marka ay dhoofayaan! Waa ta saddexaade, shirkadaha diyaaradaha ee ka hawlgala dhulka Somalida qaarkood sida African Express oo kale malaha hab ama system internetka lagaga goosan karo tigidhadooda; halka keliya ee aad ka heli kartaana waa Travel Agency iyaga wakiil u ah. Arrinta afraad ee kelifaysa in dadku isticmaalaan Travel Agencygu waa iyada oo dadku ka baqaan haddii ay Internetka isticmaalaan inay wax ka khaldamaan Tigitkii iyo dhoofkoodii oo hadhaw meel ay u raacaan lacagtoodii iyo cid ay la xaajoodaan toona garan waayaan. Sidaa daraadeed waxay ku hagaagaan inankii isaga iyo reerkoodaba la garanayey ee dukaanka Tigidhada joogay ee haddii ay wax khaldamaan aan marnaba la waayahaynin!

Inkasta oo dadka badankiisu Travel Agency ka goostaan tigidhada si wax waliba OK u

noqdaan, hadana waxa weli dhaca khaladaad badan oo dadka kharash gareeya lacag badan, ciil iyo cadho ku beera, nacsiiya safar dambe inay ku tagaan dalkii, dayn badan galiya, dhib iyo rafaad ku mutaan caruurta iyo dumarku, mararka qaarkoodna agabkii (shandadihii) ay la safrayeenba kaga lumaan amaba ka sii darane kelifa inay tigidho cusub goostaan.

Hadaba, si safarkii wanaagsanaa ee uu qofku mudada dheer ku sii naaloonayey isaga oo

rajeynayey inuu ku soo iloobi doono buuqa, cidhiidhiga, cadhada iyo diiqada nolosha qurbuhu leedahay, si aanuu safarkaasi isugu bedelin socdaalkii Gulliver oo kale, waxaan halkan ku soo bandhigayaa talooyin kooban oo aan is leeyahay dadka dhoofaya way anfacayaan:

1.      Si degan u dooro diyaarada aad raacayso iyo dariiqa aad marayso (Airline and route).

Doorasahada dariiqa iyo diyaaradu waa arrin aad muhiim u ah marka laga hadlayo safarka diyaaradaha waana halka koowaad ee khaladku ka yimaado. Dad badan oo ka mid ah qurbejooga u safraya Somaliya ama Somaliland waxa ay sii maraan Dubai, iyaga oo halkaa ku taga  diyaarado kala duwan oo qaarkood toos yihiin kuwo kalena magaalooyin dhexe ku sii hakadaan (Transfer/Transit), ka bacdina Dubai ka sii raaca diyaaradihii Somalida. Waxa isaguna irmaan dariiqa Addis-Ababa oo ay inta badan maraan dadka tagaya Somaliland ee raaca diyaarada Ethiopian Airlines. Sidoo kale, waxa jira dariiqa Istanbul, kaas oo ay maraan dadka tagaya Muqdishu kuwaas oo raaca diyaarada Turkish Airlines.

Sida caadiga ah dadku marka ay tigidhada goosanayaan waxa ay dalbadaan ama

doorbidaan diyaarada ugu jaban ee tagaysa halka ay doonayaan. Waxase haboon in maanka lagu hayo in qiimaha tigidhada diyaarada tooska ah (direct flight) iyo ta soo wareegaysaa (Indirect flight) kala badnaan karo. Waxa dhici karaysa in diyaarada soo wareegaysaa ay ka jaban tahay qadar lacag ah ta tooska ah. Dadka qaar waxa ay lexejecleystaan waxoogaagaa lacagta ah ee farqiga ah waxaanay gundhada jaraan diyaarad ka soo wareegaysa Kalkata! Halka dadka qaarkiina doorbidaan in ay raacaan ta tooska ah si xumada safarku markaba uga jabto oo aan safarku ugu lulmin! Waa nin iyo dookhii, anigu waxaabaan xasuustaa qof aan garanayo oo ka tagay Yurubta galbeed una socday Dubai oo ka soo wareegay dalka Ruushka si uu u helo tigit jaban.

Haddii aad tahay qoys balaadhan isla markaana aad doorato inaad ku safarto

diyaarad aan toos ahayn, waxa dhici karta in qadarkaa yar ee lacagta ah ee u dhexeeya labada diyaaradood uu kuu soo hadho oo aad hawlo kale ku qabsato. Waxaadse ku talogashaa saacado ka badan saacadaha diyaarada tooska ahi ku tagayso Dubai inay kugu qaadan doonto. Waxa dhici karta in diyaarada aad raacday u baahato inay saacado dhawr ah fadhido candho-dhexe (magaaladii ay sii maraysay ka hor Dubai) si shidaal loogu shubo, shaqaalaha (Crew) loo bedelo, cunto iyo biyo cusub loo saaro, Checking loogu sameeyo amaba diyaarada laftigeeda la bedelo isla markaana ay khasab noqoto in diyaarada laga dego oo airportka la galo hadana diyaarad kale lagu wareego. Waxa dhici karta in caruurtu khaati ka istaagaan saacadahaa badan ee ay ciyaartii ka xaniban yihiin. Waxa dhici karta in dumarku ku dawakhaan kala badalka diyaaradaha una baahdaan caawimo gaar ahaan marka caruurtii ay wadeen ay faraha kala raacaan ee midiba jiho u dhaqaaqo gudaha Airportka (in badan ayaan tan oo kale goob joog u soo ahaa). Intaa waxa dheer in mararka qaarkood shandadihii qofku sitay ay ku hadhaan Airportkaa dhexe ee lagu sii degey, qofkiina uu Dubai gaadho isaga oo aan boorsooyinkiisii la socon flightka. Iyada oo laga yaabo in saacado yar ka dib uu qofku ku qoran yahay diyaaradii u qaadi lahayd Somaliland/Somalia isla markaana uu qofkaasi ku khasban yahay in uu sidaa ku baxo isaga oo aan wadan boorsooyinkiisii hadyadaha iyo alaabta shakhsiga ahi ku jirtey. Haddii uu nasiib leeyahay oo hooyadii u ducaysey, marka ay ugu soo horeyso waxa uu boorsooyinkaa heli karaa maalmo ka dib, haddiiba aan sidaa lagu waayin.

Dhibaatooyinka ka dhasha diyaaradaha aan tooska ahayni waa wax inta badan dhaca

oo aan anigu shakhsiyan qaarkood goob joog u soo ahaa madaarka Dubai. Hase yeeshee taa macnaheedu maaha in qof kasta oo raaca diyaarad aan toos ahayni inuu la kulmayo dhibtan oo kale. Waxa jira flightyo badan oo aan toos ahayn oo dadku iyaga oo nafis ah oo raaxo dareemaya ay ka soo degaan.  Tusaale ahaan, marka laga dhoofayo London ee loo socdo Dubai, diyaarado aan yarayn sida Emirates Airlines, British Airways, Royal Brunei Airlines iyo Virgin Atlantic waa toos duulimaadkoodu ilaa Dubai, halka kuwo badana sida Qatar Airways iyo Gulf Air ay yihiin diyaarado sii maraya wadankii laga lahaa ka bacdina u sii gudbaya Dubai.

Guud ahaan, heerka adeegyada rakaabka (Passenger Service) ee shirkadaha diyaaradaha

ee waaweyn ee u kala goosha aduunku wuu isku dhow-dhow yahay, waana hubaal in diyaaradii kasta ee aad raacdoba in aanad ku qadi doonin, cunto iyo cabitaan dhadhan lehna aad ka heli doonto. Dhinaca madadaalada diyaarada gudaheeda (in-flight entertaintment) iyana waa hubaal inaad heli doonto madadaalo kugu filan afkay doonto ha noqotee. Sidaa daraadeed, macno badan ma samaynayso inaad sii kala doorato laba diyaaradood oo hal magaalo ka baxaya saacado isku dhow si toos ahna u tagaya hal magaalo saacado isku dhow, haddii aan qiime badan, saacadao badan ama service kale oo aad ku kala doorataa jirin, waxase macno weyn sameynaya dariiqa (Route-ka) ay diyaaradu marayso ma toos baa mise waa qalooc?

Sidaa daraadeed, waxaan qaybtan ku soo gebogebeynayaa, qurbejoog, marka aad

dhoofayso haddii ay suurtogal kuu tahay raac diyaarad toos ah (direct flight) si aad saacado yar hawada ugu jirto, alaabtaadana u hesho marka aad cagaha dhigto halkaad u socotay, hubaalna u noqoto in agabkaagu kula raaco diyaarada aad u raacaysey Somaliland/Somaliya.

Qalinkii

Cabdikariim Cali Baarjeex

MSc Aviation Management

United Kingdom

baarjeex@hotmail.com

 

Comments are closed