|

Qurbejoog, marka aad dhoofayso wakhtiga fasaxyada xagaaga, ha iska dhoofin uun ee si la yaqaan u dhoof!!!! Q 2aad

Qormadii hore waxaynu kaga hadalnay sida ay muhiim u tahay inuu qofku doorto

diyaarad iyo dariiq ku munaasib ah safarkiisa, si uu uga badbaado caqabado ku yimaada socdaalkiisa. Qormadan maantana waxa aynu ku taataaban doonaa, muhimada ay leedahay doorashada Ticketka saxda ah iyo saameynta uu ku leeyahay safarka qofka.

Sideedaba, waxa munaasib ah isla marka uu qofku go`aansado inuu safro billo ka

horba ha noqotee, inuu booking sii sameysto ama kursigii diyaaradiisa sii carbuunto. Taasi waxay u sahlaysaa inuu heli karo tigit qiimihiisu macquul yahay, ta kale ee ka sii muhiimsana waa isaga oo qofkii xaasiliyey booskiisii, werwer la`aana seexanaya.Ogow, Tigitka aad wakhti yar ka hor dhoofkaaga goosataa wuu ka qaalisan yahay Tigitka aad muddo ka hor sii goosato, wakhtiga ugu fiican ee tigit macquul ah la sii iibsan karaana waa inta u dhaxaysa 3 ilaa 9  bilood ka hor dhoofkaaga, hase yeeshee maadaama ay Soomaalidu ku liitaan wax sii qorshaynta mustaqbalka (Planning), sii goosashada tigidhadu wakhti hore suurtogal uma wada aha dadka oo dhan.

Sida aynu ka wada warqabno, Ticketka diyaaradu (Airline Ticket) waa heshiis

(contract) ay wada galayaan qofka dhoofaya (Passenger)  iyo diyaarada qaadaysa (Carrier). Qodobada ugu muhiimsan ee heshiiska waxa ka mid ah in diyaaradu qofka iyo alaabtiisaba ay si nabadgelyo ah uga qaado magaalada uu ka dhoofayo, wakhtiga ku qoran ticketka una geyso magaalada uu u safrayo wakhtiga ku qeexan ticketka. Intaa waxa raaca shuruudo iyo hadal tiro badan (terms and conditions) oo aan Soomaalidu isku dhibin amaba xiise badan u haynin akhrintiisa kaas oo la xidhiidha ticketka, waana halka dhibtu ka timaado!!!

Heerka iyo Derejada Tigidhada diyaaraduhu way kala duwan yihiin waxaana guud

ahaan loo qaybiyaa saddex qaybood oo kala ah derejada Koowaad (First class), derejada labaad (Business class) iyo derejada saddexaad (Economy class). Labadan derejo ee hore waxa caadiyan raaca dadka “Tadhahay” ama ay Somalidu tidhaahdo “kor ayuu u kaajay”,  sidaa daraadeed wakhti badan iyaga kuma lumin doono, waxase aan yara taataabanayaa tigidhada derejada saddexaad oo ah halka dadka caadiga ah ee adiga iyo aniga oo kale ahi ay raacaan!

Tigidhada diyaaradaha ee derejada saddexaad laftigooda ayaa kala duwan, mudada

ay shaqaynayaana way kala badan tahay sida bil, saddex bilood amaba sannad. Sidoo kale, sicirkooduna wuu kala duwan yahay isku meelba hakaga yaalaan diyaaradee. Waxa dhici karaysa in Cali iyo Caasha oo ticket derejada saddexaad ah haysta, isku diyaarad raacaya, isku maalin dhoofaya isku maalina soo noqonaya, oo ku kala fadhiya laba kursi oo isku xiga oo kala horeeyaa, inay kala bixiyeen lacag kala badan iyada oo ay taa keenayso wakhtiga ay tigidhada goosteen oo aad u kala horeeyey, derejada heerka tigitka ay kala sitaan oo kala duwan, iyo goobta ama Zone-ha kursigu kaga yaalo diyaarada oo kala duwan sida Y class, H class iwm. Tani waa sir ay inta badan og yihiin xafiisyada Tigidhada jara oo keliya oo aan qofka dhoofaya ee aan aqoon u lahayni ogaan Karin. Wakhtiyada qaarkoodna waxaaba dhacda in kursiga derejada Y ku yaala oo banaan inuu xafiiska tigidhadu ka iibiyo qofka kursi aan kaa ka fogayn balse ka qaalisan si uu waxoogaa khidmad ah oo dheeraad ah u helo, waa qof iyo daacadnimadiisa/amaanadiisa.

Tigidhada qaarkood qiimahooda ayaa aad u jaban waxaana loo yaqaanaa tigidhada

tigtigan (Restricted Tickets). Tigidhadan mar haddii la jaro lama bedeli karo lamana celin karo, waana inaad maalinta iyo saacada ku qoran oo keliya ku raacdo diyaarada. Haddii aad u baahato inaad bedesho maalmaha ama saacada dhoofkaaga, taasi waxa ay ku kharash gareynaysaa lacag aan ka yarayn Tigit cusub. Ka sii darane haddii aad ka habsaanto saacada aad ku qoran tahay diyaarada, taa macanaheedu waxa weeye inuu ticketkaasi gubtay, sidaa daraadeed waa in aad Tigit cusub goosato, lacag hor lehna bixiso, waabase haddii kursi banaan laguu heli karo. Sidaa daraadeed, si aanad u kabash-kabashleyn goor xeedho iyo fandhaal kala dheceen, taladaydu waa mar ka horeba ha goosan Tigit tigtigan (Restricted ticket) qiimihiisu haba jabnaadee, haddii ay dhici karto inaad ka baaqanayso maalinta iyo saacada dhoofkaaga.

Wakhtiyada qaarkood, diyaaraduhu waxay iibiyaan tigidho qiimo gaar ah lagu

bixinayo (Special fare-offer Tickets). Sida caadiga ahna wakhtiyada aan diyaaradu buuxin ama saacadaha qalqaloocan ee “karaahiyada” ah sida saqda dhexe habeenkii ama xiliyada salaada subax oo kale ayaa lagu dhoofi karaa tigidhadan. Sidoo kale tigidhadan waxa la ibiyaa bilaha aan dhoofka dadku badnayn sida February ama October ee ay diyaaraduhu sida Raha dhoobada ku dhegsan yihiin, iyaga oo sugaya Guga ama xiliyada fasaxa ee dadku aad u dhoofo. Waxba kuma jabna inaad ku dhoofto Tigit noocan ah haddii aad tahay qof fudud oo saacad iyo goor kasta oo diyaaradu baxaysaba dhoofi kara. Waxase ka fiirsasho u baahan qoyska caruur jiidanaya ee habeenimo dhoofaya, lagana yaabo inay ka imanayaan magaalo ka baxsan meesha diyaaradu ka dhoofayso, tusaale ahaan qoys ka imanaya magaalada Cardiff, kana dhoofaya London Haethrow Airport oo kale.  Sidaa daraadeed, qiimaha Tigitkan ee wanaagsani yaanuu kuu qarin saacadaha qalqalooca ee dhoofka, kana fiirso inaad safar kabash-kabash ah oo karaahiyo ah habeenimo bilowdo adiga oo heli karaya inaad habeenkii seexato hurdo raaxo leh, quraac cuurana ku sii dhufato subaxdii ka dibna toobiyaha qabsato ilaa Airportkii oo aad iska xaadiriso miiskii diyaarada (Counter-Check-in desk) adiga oo laagan!

Si la mid ah bixitaanka, waxa iyana muhiim ah inaad goosato Tigit aad ku gaadhi

karayso halkii aad doonaysey goor iftiin ah oo aan aadamuhu seexan. Tusaale ahaan, marka aad ka baxayso Europe, America ama Australia ee aad tagayso Dubai waxa haboon inaad magaalada gasho wakhti ka horeeya 10ka habeenimo si aad u abaarto halkii aad ku degeysey una hesho wakhti aad hurdo ka bogan karto ugana nasan karto daalkii safarka si aad maalinta xigtaba u bilaaban karto hawlahaaga adiga oo aan daal iyo caajis toona ku haynin. Haddii aad u sii gudbayso Somaliland/Somalia oo aanad magaalada gudaha u galaynin, waxa haboon inaad fiidka hore gaadho Dubai si wakhti fiican loogu heli karo wareejinta shandada aad sidato oo aanay uga hadhin flightka aad raacayso. Sida caadiga ah duulimaadyada diyaaradaha Somalidu waxa ay Dubai ka baxaan 3da subaxnimo iyo wixii ka dambeeya, sidaa daraadeed mar kasta oo aad goor hore gaadho madaarka Dubai waxa kordhaya fursada ay boorsadaadu kugula raaci karto diyaarada kuu qaadaysa Somalia/Somaliland, mar kasta oo aad dib u sii dhacdona waxa yaraanaysa fursada ay agabkaagu kugula safri karaan. Sidaa daraadeed, go`aanka goorta aad gaadhayso halka aad u socotay, adiga ayuu kugu xidhan yahay waxaana asal u ah hadba Tigitka aad goosato maadaama diyaaradaha waaweyni maalintii tiroba dhawr duulimaad ay ku tagaan magaalada Dubai. Tusaale ahaan, Emirates Airlines waxay ka duushaa dalka UK una gooshtaa Dubai maalin kasta ugu yaraan 16 duulimaad oo ka kala baxa London, Birmingham, Newcastle, Manchester iyo Glasgow, halka British Airwaysna ay ku tagto Dubai ugu yaraan 4 duulimaad maalin kasta. Hadaba, dhoofe, dooro wakhti ku haboon safarkaaga.

Tigidhada aan qof kasta oo dhoofaya kula talin lahaa waa tigidhada la bedeli karo

maalinta iyo saacada uu qofku dhoofayo ee loo yaqaan (flexible Ticketska). Tigidhadani sida caadiga ah malaha wax qiimo-dhimis ama Discount ah, qofkuna waa inuu bixiyaa lacag dhamaystiran (full fare). Taa bedelkeeda qofku wuxuu xaq u yeeshaa inuu bedeli karo wakhtiga iyo saacada tigitka, lacag la`aan ama qiime yar bixin karo. Tigitkani waa tigitka ku haboon qoysaska Soomaalida ah ee ay suurtogal noqon karto inay mar iyo lababa dib uga dhacaan wakhtigii safarkooda, haddii hawshii ay u baqooleen hore ugu dhamaan weydo, amaba ay goostaan inay soo qadimaan maalintii ay baxayeen, haddii Xaajiga/Xaajiyada madaxu xanuuno si loola gaadho dhakhtarkii wanaagsanaa (General Practitioner-GP) ee ku yaalay xaafada agteeda, amaba caruurtu dhibsato dhaska iyo boodhka Somalia/Somaliland isla markaana khaati ka istaagaan Dukhsiga duulduulaya ee aanay ishoodu hore u qaban jirin wakhtigii ay qurbaha joogeen!

Guntii iyo gebogebedii, dhoofe, Tigitka aad iibsanaysaa waxa uu saamayn weyn ku

leeyahay safarkaaga oo dhan. Sidaa daraadeed doorashada hore ee Tigitku yaanay kaa xumaan, hana noqon sidii Aw Xasankii yidhi “Adeer tigitka ugu jaban ii goo mid waliba way I geyneysaa halkii aan doonayey ina soo celinaysaaye” ee ka bacdina ku xanibmay/banjaray Dubai ka dib markii uu ka habsaamay duulimaadkiisii Dubai-London tigitkiina sidaa kaga gubtay!

 

Qalinkii

Cabdikariim Cali Baarjeex

MSc Aviation Management

United Kingdom

baarjeex@hotmail.com

 

 

Comments are closed