|

Qunsulka Turkiga Somaliland u Fadhiya oo Kulan Kula Yeeshay Hargaysa Qaar ka Mid ah Madax dhaqameedka Somaliland

Hargaysa 24.Nov 2015 (SDN/QJ):- Qaar ka mid ah madaxdhaqameedka Somaliland ayaa kulan la yeeshay qunsulka guud ee dalka Turkiga u fadhiya magaalada Hargaysa, Muzaffer Yüksel.

Qunsulka iyo Madax dhaqameedkaWarbaahinta  ayaa heshay sawiro qayb ka ah kulankaasi dhexmaray salaadiinta Somaliland qaar ka mid ah iyo qunsulka guud ee dalka Turkiga u fadhiya magaalada Hargaysa eee caasimada Somaliland Mr Muzaffer Yüksel.

Suldaan Xiirey oo ka mid ah madaxdhaqameedka hore u shaaciyay inay ka qayb galayaan wada hadalada dalka Turkiga ee Somaliland iyo Somaliya ayaa kulankan ka qayb qaatay,waxa kale oo ku jira Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo hore u sheegay inaanu ka qayb galay qorshaha Turkigu wato ee wada hadalada Somaliland iyo Somaliya loogu rarayo dhinaca madaxdhaqameedka.

Suldaan Xiiray iyo Qunsulka TurkigaKulankan ayaa ahaa mid ka horeeyay intii aanay deedifayn qaar ka mid ah madaxdhaqameedka Somaliland oo sheegay inaanay ka qayb galay qorshahaa cusub ee uu wato dalka Turkigu,iyagoo sheegay inaanay Somaliya la hadlay.

Warsaxaafadeed uu maalintii shalay soo saaray qunsulka Somaliland u qaabilsan dalka Turkiga Muzaffer Yüksel ayaa lagu sheegay inaanay jirin qorshe cusub oo uu Turkigu u bedelayo wada hadalada ka dhexeeya Somaliland iyo Somaliya,isagoo sheegay inaanay Salaadiinta Somaliland  ka codsan inay wada hadalada ka qayb galaan.

Haddaba Kulankan uu qunsulka dalka Turkiga u qaabisal Somaliland la yeeshay Salaadiinta ayaa muujinaysa inuu Turkigu wato waji cusub oo ku saabsan wada hadalka Somaliland iyo Somaliya ee dalka Turkiga wallow arimihii lagaga hadlay kulankaasi aanu banaanka iman,kuwaasi oo soo bilaabmay sannadkii 2012kii.

Comments are closed