Qunsuliyadda Turkiga Ee Hargeysa Oo La Sheegay Inay Ruqsad Muqdisho Laga Siiyay Hargeysa Kaga Hawlgasho
Hargeysa,25Nov,2015(QJ/SDN)-Warar u dhuun daloola xafiiska Qunsuliyada Turkigu ka furatay Hargeysa ayaa sheegaya inaanay wax ruqsad ah ka haysan Somaliland, isla markaana magaca ay ku shaqaysaa uu yahay ogolaanshaha Dawladda Federalka Somaliya, maadaama Safaaradooda rasmiga ahi ka furantahay Muqdisho.
Warkan ayaa ah mid Somaliland Sumcadeeda hoos u dhigaya maadaama dhaqdhaqaaqa ay qunsuliyadani ka wado dalka gudihiisa aanay xog badan ka hayn, isla markaana wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ku Eedeeyey inay Somaliland dagaal kula jirto Dawladda Turkigu.
Sidoo kale, war hayn la’aanta Xukuumadda ee hay’adaha Ajaanibka ah waxa hore u qiray wasiir Warancade oo sheegay inaanay war ka haynin ama aanay ogayn shaqada ay Dalka ka qabtaan hay’addo badan oo ajaaniib ah, taasoo muujinaysa daciifnimo masuuliyiinta Somaliland ku maamulayaan dalkooda.
Qunsuliyada Turkiga ayaa la sheegayaa inay dib u eegayso qorshe soo shaac baxay oo lagu sheegay inay doonayaan wadahadaldii Somaliya inay ka qayb galiyaan Madax dhaqameedka Somaliland, taasoo xiisad ka dhex dhalisay xukuumadda iyo Madax dhaqameedka dhexdooda.
Qorshaha Turkigu ay kula kulmayeen Madax dhaqameedka ayaa la sheegay in uu ku beegnaa bishan lix iyo labaatankeeda, hase yeeshee wararka soo baxayaa waxay sheegayaan qorshahaas in la bedelayo, maadaama laga war helay, inkasta oo uu qunsulka xafiiska Turkigu beeniyey jiritaanka warka ku saabsan shirka Madax dhaqameedka.