Qoyskii dhawaanta lagu helay in ay dileen qaar ka mid ah caruurtooda oo racfaan qaatay
Ottawa Feb 01,2012(qurbejoog.com)-Qoys ka soo jeeda dalka Afgaanistaan oo ku nool dalkan Canada ayaa Axadii ina dhaaftay lagu helay denbi dil ah oo ay u geysteen afar haweena oo isla qoyskaa ka tirsanaa.
Maxamed Shafia iyo xaaskiisa Tuuba Yaxya iyo Curadkooda Xamiid ayaa lagu xukumay xabsi daaim aan cafis laheyn 25ka sanadood ee hore,ka dib kolkii lagu helay dilka sadex hablood oo qoyska ka tirsanaa iyo xaaskii 1aad ee Maxamed Shafia.
Qareenka Xaamid Shafia ayaa maanta saxaafda u sheegay in uu Xamiid gudbiyay codsi racfaan oo uu ku dalbanayo in dib loogu noqdo sida xaakimka dacwadu u aqbalay xog kutiri kuteena oo uu u fasaxay in xeer beegtidu maqasho.
Waalidka Xamid ayaa dhakooda gudbiyay codsi kaa la mid ah oo ay racfaan uga qaadanayaan sida loo isticmaalay xog aan sugneyn o la siyaasadeeyay.
Qoyskan ayaa lagu eedeeyay in ay caruurtooda iyo aayadood in ay u dileen si sharafta qoyska loo dhooro,ka dib kolkii gabdhahoodu u dhaqmeen sida hablaha masiixiga ah ee dalkan Canada.
Qurbejoog-Ottawa
contact@somalidiasporanews.com