“Qoyskayaga ayaaba ka kooban 26 ruux markaas ayaa 5 Laga soo qaadanaya Tira koobku waa been” Axmed Madoobe
Kismaayo 29.May 2015 (SDN/QJ)- Madaxweynaha dawladda Jubaland Axmed Maxamed Islaam oo xalay ka hadlayay magaalada Kismaayo ayaa waxba kama jiraan kusifeeyey Qiyaastii tiro koob ee ay soo bandhigtay dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa sheegay in aysan jirin cid tirisay Shacabka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in tirade meelaha qaar lagu qoray ay tahay mid laga been sheegay oo la buunbuuniyey, wuxuuna si kaftan ah usheegay in deegaanada Jubaland ay xeryo badan oo Qaxooti kuyaalaan, isla markaasna loo baahnaa in tirada loo badiyo hadii ay tahay Qiyaastu mid ka timid Qaramada Midowbay.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in looga baahan yahay dawladda Soomaaliya, gaar ahaana Wasaaradduhu talaabo kasta oo ay qaadayaa ay kala tashadaan dhigooda dawladdaha xubnaha ka ah dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.
Mr, Madoobe ayaa sheegay in ay ka wada shaqeyn doonaan dhamaanba dhinacyada Siyaasada Soomaalida sidii loo heli lahaa tirada saxda ah ee Shacabka Soomaaliyeed, isla markaasna loogu gali lahaa doorasho xor iyo xalaal ah.
Wasiirka Qorsheynta iyo xariirka caalamiga ah ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Eynte oo kamid ah Kaaliyaasha madaxweynaha Soomaaliya ayaa todobaadkan uga dhawaaqay Muqdisho tiro koob uu shegay in ay UNFPA iyo Wasaaradiisu ka fuliyeen Soomaaliya, taas oo ay dhamaanba ka so horjeestaan Shacabka dawladdaha Puntland, Jubaland iyo Somaliland oo Sheegtay inay ka Gooni tahay Somalia.
Kismaayo SDN/QJ