|

Qoyska Uu ka soo Jeedo Wariye Mukhtaar nuux , Cuqaasha Gabiley Ayaa Xukumada Itoobiya ka codsaday in Xoriyadiisa Lasoo Celiyo Wiilkooda DAAWO

Weriye Mukhtaar Nuux ibraahinGebilay 22.June 2016 (SDN/QJ):- Iyadoo Maalintii Doraad ay Ciidamada Liyuu Boolisku ka Kaxaysteen Magaalada Xuduuda ku taala ee Tog Wajaale Shan Weriye oo qaab Shirqool ah ay ugu Yeedheen markii danbena ay u dhaadhiciyeen dhinaca xarunta dawlad deegaanka Somalida Itoobiya ee Jigjiga ayaa Waxay Xoriyadoodii u soo celiyeen afar weriye Halka ay la hadheen Weriye Mukhtaar Nuux Ibraahin oo ahaa Weriyihii HCTV ee Gobolka Gebilay kaas oo la sheegay inay ku xidheen goob qarsoodi ah.

Hadaba Qoyska Weriyahan ayaa Xukuumadda Itoobiya ka dalbaday in Xoriyadiisa ay u soo celiyaan Wiilkooda.

Comments are closed