Qoyska Madaxweyne Siilaanyo Oo Lagu Eedaynayo Inuu Aqallo Qurux Badan Ka Dhisanayo Magaalo Xeebeedda Berbera
Berbera:Aug,11,2015(SDN/QJ)-Iyadoo ay muddooyinkii ugu dambaysay ay soo baxayeen warar sheegaya inuu qoyska madaxweyne Siilaanyo qasriyo qarsoodi ah ka dhisanayo magaalada Berbera, ayaa ay arrintaasi maalintii shalay si rasmi ah usoo baxday, markii la arkay cagafyo la gelinayo dhul qoysku ka iibsaday magaalada Berbera, kaas oo Aqallo laga dhisayo haatan.
Goobtan la sheegayo in qoyska madaxweynuhu iibsadeen, ayaa ah goob aad muhiim u ah, waxana ay kaabiga ku haysaa illinka laga galo Jidka Xooluhu ka galaan Dekedda Berbera, waana goobaha ugu qaalisan xilligan magaalada.
Siday ilo xogogaal ah oo reer Berbera ahi Haatuf u sheegeen, dhismaha qasrigan ayaa marka la dhamaystiro waxa uu yeelan doonaa barkad lagu dabaasho (Swimming pool) oo biyaha badda ay ku soo ridayaa beebab dhulka hoostiisa la marin doono oo badda ku dhacaya.
Dhinaca magaaladda Hargeysa waxa fooqii marxuum Cali Jirde ku lahaan jiray Hargeysa ka socda dhisme wayn oo qoyska Madaxtooyadu ugu talo-galeen inuu noqdo hotel, kaas oo masaafad 20 mitir ah gudaha u galay kaamboolka xaruntii la odhan jiray Women’s Club. Mashruuca dhismahan oo la bilaabay horaantii 2014-lii isla markaana wali dhismihiisu socdo ayaan ilaa hadda la ogayn halka laga bixiyo kharashkiisa.
Waxase sida ay hawshaasi u socoto kolba soo kormeerta marwadda 1-aad ee Aamina Waris. Meel ilaa kontameeyo talaabo u jirta isla markaana kaasoo horjeeda gurigii dawladda ee ku yaala xaafadda Shacabka ee uu Mr Siilaanyo ku jiri-jiray intaanu noqonin
Madaxwaynaha ayaa waxa wakhtigan xaadirka ah laga dhisayaa bangalo iyo guri dabaq ah oo wayn, waxaana hawsha dhismaha ee meeshaas ka socda kormeer kusoo sameeya wiilka Siilaanyo soddoga u yahay ee Baashe Cawil.
Gurigan dhismihiisa gacanta lagu hayo ayaa waxa uu dhinaca kale ee koonfurta kaga yaalaa wadada hormarta gurigii hore ee Siilaanyo ee xaafadda shacabka. Dayrka gurigan cusub oo dhererku aanu ka yarayn 100 talaabo ayaa kor loo dheereeyey si aanay dadwaynaha hormarayaa indhaha ugu dhufanin dhismaha baaxadda leh ee meesha ka socda.
Guriga Siilaanyo ee Shacabka iyo kan cusub ee la yagleelayo ee kiisa koonfurta kaga beegan, waxay labada hareerood kaga yaalaan wadada ay isticmaalaan dadka degan xaafadda ay jaarka yihiin ee la yihiin State House, taas oo ay ku nool yihiin.
Xigasho:Haatuf.
SDN/QJ