Qoys Bulshada u Muujiyay in Waxbarashada la Wadan karo Marka Reer iyo Ubad la Yeesho iyo Madaxweyne Xigeenka Somaliland oo Maamuusay
Hargaysa 16.Oct 2014 (SDN/QJ)-Lammaane Shaqaale ah dawladeed wada ah, isla markaana isku Jaamacad dhiganayey, ayaa shalay mar-wada qalin-jebiyey, waxaanay Munaasibaddii loo qabtay qalin-jebintooda ay keeneen Wiilkooda Curad oo dhashay muddadii ay Jaamacadda Shahaadada Digriiga koowaad ah dhammaysanayeen.
Lammaanahan Cali Ibraahim Warsame iyo Amaal Cali Jaamac oo labadooduba ka tirsan shaqaalaha wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, ayaa la qalin-jebiyey 132 Arday oo kale oo ay Waxbarashada Shahaadada Digriiga koowaad ka wada dhammaysteen Machadka Tabobbarka Shaqaalaha dawladda ee magaalada Hargeysa ee CSI, waxaana Xafladdooda qalin-jebinta oo lagu qabtay Salaasadii Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa ka qaybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Masuuliyiin kale oo dawladda ka tirsan.
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa shahaadooyin guddoonsiiyay 134 Arday ee Lammaanahani ku jiraan oo dhammaantood Shaqaalaha Hay’adaha kala duwan ee dawladda ka kala tirsan oo muddo saddex sano ah waxbarashada degree-ga koowaad ee Jaamacadda baranayey, kuna qaatay Maamulka dawliga ah (Public administration), Accounting iyo Dovolopment Management) ee uu bixiyo Machadka tabobbarka Shaqaalaha dawladda ee (CSI).
Haddaba, waxa xusid mudan, isla markaana Madasha looga yeedhay intii ay Munaasibadda Qalin-jebintu socotay Lammaanahan is-qaba ee Cali Ibraahim Warsame iyo Amaal Cali Jaamac oo labadooduba ka tirsan shaqaalaha wasaaradda arrimaha gudaha, iyagoo Wiilkooda yar wata, waxaana Sawir la galay labadooda iyo Wiilkooda yar Madaxweyne Ku-xigeenka, Wasiirka arrimaha gudaha, Maamulka iyo Macallimiinta Machadka tabobbarka Shaqaalaha iyo Masuuliyiin kale oo sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin lana dhacsan yihiin dedaalka Lammaanahan. Waxaana Wasiirka ay Wasaaraddiisa ka shaqeeyaan sida Sawirka ka muuqata guddoonsiiyey Abaal-marin.
Lamaanahan oo laga xusay Xafladda, islamarkaana Fagaaraha looga yeedhay, waxaa sidoo kale ka sokow Masuuliyiinta dawladda, iyaguna aad ula dhacay oo u qushuucay dedaalkooda Ardayda ay wax wada baranayeen iyo dadweynaha kale ee Munaasibaddaas ka qaybgalay oo Waalidiin iyo Marti-sharaf-ba isugu jiray, waxaana maamuus ahaan loogu muujiyey Sacab mar keliya Madax iyo Shacab loo tumay Lammaanahaas Mar-Curadka ah.
Si kastaba ha ahaatee, tallaabadan ay muujiyeen Lammaanahan iyaga oo labadooduba Shaqaale dawladeed ah oo qoys Hooyo iyo Aabbo ka kooban ah, haddana muujiyey dedaalka iyo masuuliyadda ka saaran horumarinta heerka aqooneed ee naftooda, ayaa tusaale fiican u noqon karta dad fara badan oo haysta jaanisyo ka fiican kan ay Cali iyo Amaal haystaan.
Waxa jira dad badan oo aan ku hawlanayn ama aanay weli fuulin Masuuliyadda dhismaha qoys, Aabbo iyo Hooyana gaadhin, isla markaana aan wakhtigooda uga faa’iidaysan inay noloshooda ku horumariyaan aqoon ahaan iyo shaqo ahaan toona, kuwaasoo wakhtigooda ku dayaca waxyaabo aan goor-dhaw mustaqbalka noqoloshooda waxba ka tari karin, kana hadha waxbarashada Dugsiyada Sare iyo ta Jaamacadaha-ba, iyo weliba Waalidiin iyaga laftoodu jaanis fiican u heli kara inay wax bartaan, balse aan ka faa’iidaysan wakhtigooda.
Hase-yeeshee, Dhammaanteen waa masuuliyad inna saaran inaynu dhinac kasta ka higsanno horumarinta nolosha hadday tahay mid aynu kor ugu sii qaadayno Waxbarashadeenna, ta Qoysaskeenna iyo ta Ubadkeenna-ba, dhammaanteen-na inta aan iyagu hore uga faa’iidayn amaba aan immika ku guda-jirin dedaalka ay Cali iyo Amaal muujiyeen oo kale, waxa la innooga baahan yahay inaynu tusaalaha wanaagsan ee ay muujiyeen iyaga iyo inta sidoodan oo kale ahiba inaynu muujinno.
Hargaysa SDN/QJ