Qoxooti qeylodhaan u diray Xukuumada Somaliland
Hargeysa April 29,2012(SDN)-Bulshada ku dhaqan xaafadda Macalin Haaruun ee duleedka bari ee magaalada Hargeisa, kuwaasi oo kasoo bara kacay dalka aynu deriska nahay ee Somalia ayaa waxa ay warbaahinta umariyeen baaq qeylo dhaan ah xukuumadda somalialnd inay lasoo gaadho gargaar bani aadaminimo , kadib markii roobabkii gu’ga uu siweyn ummaansheeyey guud ahaan Somaliland.
Waxay bulshadaasi sheegeen inaanay haysan hoy ama dhismayaal adag oo ay kaga gaashaantaan roobka go’ga , waxaanay ugu baaqeen xukuumadda inay soo gaadhsiiso wixii ay tari karto bulshadaasi jilicsan, iyagoo usoo jeediyey hay’adaga wadabuga ag uti kuwa caalamiga ahna inay fiiro gaara u yeeshaan xaaladda caafimaad iyo tan nololeed ee barakacayaashaasi ku dhaqan xaafadda macalin haaruun ee duleedka bari ee magaalada hargeisa.
Bulshadan barakacayaasha ayaa siweyn ugu mahadnaqay Cali maxamed waran cadde wasiirkii hore ee wasaaradda duulista iyo hawada oo ah mulkiilaha dhulkaasi ay degan yihiin barakacayaashu , waxaanay ilaahay uga baryeen inuu ka abaal mariyo.
SDN-Hargeysa