Qortaye Maxaan Kaa Qornaa??? = W/Q: Khadar Badeed
Sow lama odhan: Ruuxa Carrabkiisu waa badh badhna waa Caqligiisa? maxaa soo hadhay ? Cad iyo Laf dheh. Waxa sidoo kale iska cad : erey intuu afkaaga ku jiro ayuu amaanadaa yahay haduu kusoo waydaarto se waa lagula yeeshay.
Nin qalin qaatay oo u qaashaartay inuu maqaal ama faallo qoro qiyaastayda ninkaa waxa ka baxay wakhti , hawl ayuu galay , waxaanuu ku dadaalay inuu cidda qoraalkiisan arki doonto ka dhacsiiyo wax isaga ka guuxaya oo uu ku qancay , ( ma saxbaa waxa uu inoo soo qoray mise waa khalad waa arin kale) laakiin waxa aynu ka midaysanahay in uu ula jeedo ka leeyahay hadalkan qoraalka ah.
Adiga oo akhristihii ah markaad hadalkan qoran hesho waxaad rabtaa inaad ka gun gaadho waxa uu khayr-qabaha qalinka maalay kuu soo hibeeyay. Halkaas hakad yar ii saar waan usoo laabane, nolosha waxa is baal yaal waxaad dhaliisho iyo waxaad la dhacdo, marka la eego waayeheena qoraal iyo heerka uu marayo waa naxdin iyo niyad jab, ma dar-daar werinayo laakiinse tayada ku duugan qoraallada xilliyadan danbe ma buurna, iyadoo ay jiraan qaar loo bogi karo bulshaduna u baahantahay, haddana waxa biyo-dhiciyay qoraallo aan istaahilin in qoraallo lagu sheego, marar badan ayaad is odhanaysaa; bal qoraalkan laguu soo dhigay akhri saad timi cinwaankiisa waxba kama hooseeyaan, mid kalaad eegaysaa misna kii horaa dhaama, qaarkood waxa ku dhaabadaysan sawirkii qoraaga, (istaaqfurullah!!!) oo qalinka maskaxda kuhaya kolkaasaad hoos u odhanaysaa (Bal Qortaye Maxaan Kaa Qornaa?) … muddo haddaad ku indha-cadaato ayaa laga yaabaa inaad hesho mid ku cajabiya (nuxurkiisa waafaq ama diid ).
Anigoo og qaar badan oo idinka mid ahi in uu qoraalkoodu taabba-gal yahay oo si cilmiyaysan u barteen dhigidda hadalka iyo qoraalkiisa aan idinka codsado inaad ii ogolaataan inaan wax ka idhaahdo Qoraalka qodobo ku aaddan :- Qalabka uu qoraal u baahanyahay waa laba qaybood : qayb la odhan karo waa tiirarka uu ku taaganyahay iyo qayb kaabayaal ama qurxin ah, gees kale haddii laga eego qoraal waa inuu leeyahay:- 1- Fikrad (Aragti ama nuxur ) aad rabto in lagula qaato ( maxaad wax u qoraysaa ? ) : waana qodobka ugu muhiimsan ee qoraalka ka danbeeya. Fikradda gudbinteeda waxa loo adeegsan karaa maqaal mutuxan ,Qiso iyo Sheeko , Hab riwaayadeed, ama Qaab tix ama suugaan ah. Fikraddu kama soo hadho sida loosoo tebiyo ama loosoo dhigo , sidoo kale waxa meel mariya sida ay isugu shubantahay ee ay u kala hormaysantahay, caadifad iyo cadho is barkan waa lagu soo dhigi karaa , hogo-tusmayn iyo gacan-qabadna waa lagu sheegi karaa , tusaale iyo kaftanna wuu qurxiyaa hadaan lagu talax-tegin.
2- Isticmaalka Ereyada; (sideed u qoraysaa ): luuqad kastaa waxay leedahay hadal si joogto ah loo adeegsado iyo mid qoraal gala, haddaad kan danbe ku sheekayso waxa laga yaaba in dadka qaarkood u qaataan in meesha idaacadi ka baxayso ( Sidii ninkii reer MARKA ee inantiisa nin reer Woqooyi ka guursaday kadibna uu Telefonka kala hadlay … Wuxuu rabaa in ay sidii reer Markaad ula hadasho iyana hadalkii taag-taagnaa ee waqooyiga ayay ku harqisay odaygii wuxuu u qataay in inanta Radio ka ag baxayo markaasbuu ku yidhi : horta Raadiyaha demi Aabe ) ereyada loo adeegsanayo qoraalku waa inaanay ku badan kuwa sidaa aadka ah suuqa loogaga hadlo sidoo kalena waa inay ka durugtaa erayada duugoobay ee dadka inyari taqaan ( dadka qaarkood ayaad moodaa in ay akhristaha u af sheeganayaan ). Hadal macaan oo kugu qasbaya inaad qoraalka dhamayso waa inuu ahaado, waxa qodobkan ku jira:
(B) kala xulashada ereyada.
(T) Kala duwidda ereyada isku macnaha ah.
(J) Qurxinta dhismaha weedha (ilaahayna la kala baryi og .. )
(X) Isku xidhka kelmadaha iyo kala hormayntooda iyo waxyaabo badan oo kale.
La soco….
W/Q:Khadar Badeed
Facebook: Khadar Badeed
Hargeysa , Somaliland