Qorshihii Xukuumadda Ee Banka Qool-cadey Oo Markale Dib-U-Bilaamay,Dadka Deegaanka Oo Si Weyn Uga Soo Hor-jeedda Iyo Ganacsatadda La Wariyay In Loo Xidhayo Banka
Sallaxley,7Aug,2015(QJ/SDN)-Waxa maal-mahan si weyn usoo xoogaystay qorsheyaashii xukumadu dabada ka riixaysay ee lagu doonayay in Banka Qoolcaday loo xidho rag ganacsadayaal ah oo doonaya inay xoolahooda ku xanaanaystaan Banka Qoolcaday, lagana raro oo laga barakiciyo dad iyo xoolo wixii degganba.
Mashruucan ayay xukumadu inta badan ku doodaa in midowga reer Yurub qarashka ku baxaya bixinayo, isla markaana lagu naaxinayo xoolaha deegaanka iyo xoolaha kale ee dalka ka dhoofaya, iyadoon marnaba si Public ah aan usoo bandhigin kharashka ku baxaya mashruucan, qaabka iyo habka loo fulinayo, inta uu soconaya iyo faa’ido iyo khasaare wuxuu kusoo kordhinayo deegaanka. Taas badalkeeda xukumadu waxay usoo biyaysatay inay tab iyo xeelad-ba u adeegsato fulinta qorshahan dhagaraysan ee barakicinta iyo caydhaynta ah, waxaanay xukumadu fulinaysaa codsi ay usoo gud-biyeen Al-jaabiri iyo shirkada Indha Deero ee ka ganacsada dhoofka xoolaha nool. Kadib markii Dawlada dalka Sacuudigu ka codsatay, kuna amartay in Al-Jaabiri iyo ganacsatada kale ee xoolaha kasoo dhoofiya dekada Berberi inay samaystaan meel xoolaha lagu hayo muddo Soddon 30 Ilaa Afartan 40 Cisho ah ka hor intaan loo soo dhoofin dalka Sacuudiga si loo kala ogaado neefka caafimaadka qaba iyo neefka xanuunku kusoo jiro.
Dood dheer iyo falaqayn dheer ka dib ganacsatada iyo xukumadu waxay is tuseen inaan xoolaha lagu hayn karayn Berbera iyo deegaanka xeebta ah ee u dhow, sidaasi darteedna waxay is tuseen in labada Ban ee Aroori iyo Qoolcaday loo xidho xoolaha, si loogu hayo mudada ay soo codsadeen dalka Sacuudigu, isla markaana shaybaadho xanuunka xoolaha lagu baadho laga furo. Waxaanay xukumada iyo ragan ganacsadayaasha ahi istuseen in Taar lagu soo wareejiyo Banka Qoolcaday oo horta isaga la hor xidho, waayo Banka Aroori waxay kala kulmeen diidmo qayaxan, laakiin Banka Qoolcaday waxay kala kulmeen qaar madax dhaqameedkii deegaanka ah oo uhanqal taagaya qorsheyaasha ay wataan ragan jeebabka dhaadheeri. Taasina waa mida u sahlaysa inay kolba dhinac kasoo wareegaan oo ay yidhaahdaan mashruucii Banka Qoolcaday ayaanu fulinaynaa.
Sidoo kale waxa madaxdhaqameedka garab boodaya qaar ku doodaya inuu Mashruucani deegaanka shaqo abuur u leeyahay iyo waxaan dhaamin, iyadoo tanina ay tahay bahaa iyo waxba kama jiraan, waxaana ku qoran waraaqaha ay la wareegayaan in 20 Dhibeeye iyo dhawr waardiye laga qoran doono deegaanka, sidoo kalena shaqaalaha inta kale Aqoon waxbarasho lagu soo xuli doono, iyadoo muhiimada la siinayo dadka ay shirkaduhu keensadaan.
Waxa iyaduna la yaable in qorshahan ay ka mid tahay in dhulka inta la xidho mooyaane inta soo hadh-dha ay daaqi doonaan xoolahan meesha la keenayo, xaga kuwa deegaanka aan loo ogolayn inay daaqaan qaybta la xidhayo.
Qorshahan waxa ay dadka deegaanku ubaahan yihiin inay hor istaagaan kana hortagaan in laga barakiciyo dhulkooda, ganafkana ku dhuftaan nabaad guurka, xaalufka iyo xanuunada loo soo wal-waalayo, una sheegaan xukumada inay uga baahan yihiin, Biyo, Baad, Daryeel Caafimaad dad iyo duunyaba iyo dhamaan agabyada waxqabad ee ay ubaahan yihiin, kana korto eexta, qaraaba kiilka, dad kala jeclaysiya iyo naas-nuujinta.