Qorshe Siyaasadeed Maraykanku ka leeyahay Somaliland oo bilaabmay & Trump oo Khariiradda Soomaaliya ka saaray Somaliland Akhri Warbixin Xasaasi ah
Washington 01. February 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, ayaa kala saaray Khariiradda Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu gaar uga saaray Maabka Soomaaliya oo ku jirta toddoba Waddan oo Muslim ah oo uu si ku-meel-gaadhka ah muddo sagaashan cisho ah uga joojiyey inay dalkiisa geli karaan.
Toddobada Waddan ee uu Madaxweyne Trump in Qaxoontiga ka tegaya la qaabbilo xannibaadda ku soo rogay sida uu sheegay muddo sagaashan cisho ah, ayaa kala ah Soomaaliya, Suudan, Libiya, Suuriya, Ciraaq, Yemen iyo Iiraan, kuwaas oo uu ku sheegay inay jiraan Ururro Argaggixiso, balse inta badan caalamka u muujiyey nacaybka uu Islaamka u qabo, isaga oo sheegay inay caawin doonaan Dadka dalalkaas ee Diimaha aan Islaamka ahayn haysta, isla markaana uu sheegay inaan Maraykanku hore wax muuqda ugu qaban Maseexiyiinta iyo Kiristaanka ku dhaqan dalalkaas.
Hase-yeeshee, waxaa xusid mudan inuu Madaxweyne Trump soo saaray oo ay si rasmi ah u baahisay Warbaahinta CNN-tu 30-kii bishan ee shalay Khariiradda ama Maabka toddobadaa dal ee uu xannibaadda ku soo rogay Dadkooda, waxaa ku jirta Soomaaliya oo uu ka reebay Khariidda inta ay Somaliland kaga jirto oo aanu isugu qaadin ama isugu darin sida inta badan dunidu isugu qaaddo ee ay Hal Khariirad uga dhigto.
Tallaabada, ayaa muujinaysa qorshe siyaasadeed cusub oo Maraykanku ka leeyahay Somaliland, maaddaama oo uu ka saaray Khariiradda dalka ay la midawday 31 Julaay 1960-kii markii ay xornimada ka qaadatay Boqortooyadii Ingiriiska 26 June 1960-kii, isla markaana ay gooni uga istaagtay oo ay madax-bannaanideeda kala soo noqotay 18-kii May 1991-kii, iyada oo aan weli Beesha caalamku aqoonsi buuxa si rasmi ah u siinnin, ay jiraanna Dawlado iyo Dalal kala qaddariya Soomaaliya iyo Somaliland, balse ay Dunidu weli u aragto qayb Soomaaliya ka mid ah inay tahay Somaliland, waloow ay 26-sano gaar ka tahay dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya.
Ma jiro War uu si gaar ah uga soo saaray Madaxweynaha Maraykanku Donald Trump in Dadka uu dalkiisa ka joojiyey inay galaan marka Soomaalida laga hadlayo ay ugu kala soocan yihiin ama loo kala soocayo Soomaali Koonfureed iyo Soomaali Waqooyi oo ah Somaliland, ee wakhtigii uu ololaha doorashada ku jiray iyo intan uu Xafiiska oo uu 20-kii bishan la wareegay fadhiyey-ba, waxa uu soo qaaday ama sheegay inay Soomaalidu ka mid tahay Dalalka ay Argaggixisadu saamaynta wayn ku leedahay, inkastoo aanay Somaliland dhulkeeda Argaggixiso Xarumo ku leh iyo nabadgelyo-darro midna ka jirin sida Soomaaliya oo kale,Inkasta oo uu Barta uu Ku Leeyahay Twitter-ka ku Soo qoray Hadalkan Hoos ku Xusan.
Sidaas oo ay Tahay Soomaali muu kala reebin marka hore, balse Khariiraddan uu u gudbiyey CNN-ta oo qaybteeda Siyaasadda ee Shabakadda ay Internet-ka ku leedahay ku baahisay, ayaa muujinaysa inay siyaasad ahaan u kala soocan yihiin Somaliland iyo Soomaaliya.
Ila-wareedyo Xukuumadda Somaliland ka ag-dhaw, ayaa Wargeyska Ogaal u tibaaxay inuu jiro Qorshe siyaasadeed oo ay dawladda Maraykanku ku doonayso inay Somaliland ula macaamusho, isla markaana Xafiis gaar ah oo ka shaqayn doona xidhiidhinta iyo danaha gaarka ah ee ay wadaagi karaan Maraykanka iyo Somaliland in dawladdaasi doonayso inay ka furato magaalada Hargeysa ee Caasimadda dalka.
Balse, ma jiro weli war rasmi ah oo ay Somaliland iyo Maraykanka midkoodna ka soo saaray arrimahaas, marka laga yimaaddo ila-wareedyada diblamaasiyadeed ee Wargeyska Ogaal xogtan ka soo xigtay.
Inkasta oo ay inta badan Dunidu tixgelinayso wadahadallada Beesha caalamku bilawgeeda lahayd ee u socday dhawrkii sano ee u dambeeyey Somaliland iyo Soomaaliya oo immika ku dhawaad laba sano hakad ku jira, haddana Qorshaha Xogtaa Wargeyska Ogaal helay iftiimisay iyo weliba tallaabada uu Madaxweyne Trump ku kala saaray Khariiradda Soomaaliya iyo Somaliland, ayaa noqon kara Fursado Siyaasi ah oo u soo kordhay Somaliland, isla markaana qayb ka noqon kara ololaha Aqoonsi-raadinta, haddii sidooda looga faa’iidaysto oo aan la dayicin.