|

Qorshe lagu Midaynayo Maxjarada Caafimaadka Xoolaha ee dalalka Mandaqada oo Hargaysa ka Furmay

Hargaysa 12.March (SDN)   Shir caalami ah oo ay isugu yimaadeen mas’uuliyiin dhinaca xoolaha nool ah oo ka kala socday dalalka urur goboleedka Igad ayaa manta si rasmi ah uga furmay caasimadda Somaliland ee hargaysa.

Shirweynahan oo socon doona muddo labo cisho ah lagagana hadlayo sidii loo mideyn lahaa xarumaha maxjarada geeska Afrika ee caafimaadka xoolaha la dhoofinayo ayaa waxaa ka qayb qaadanaya dalalka Somaliland, Itoobiya, jabuuti, Sudan iyo yugaandha, waxana sidoo kale lagu daraasadayn doonaa hanaanka baadhitaanka caafimaadka xoolaha nool.

Md Maxamuud Axmed cagaweyne agaasimaha guud ee wasaaradda xanaanada Xoolaha ee JSL oo kulankaasi ka hadlay ayaa muhiimad weyn ku tilmaamay in urur goboleedka Igad ay shirka noocan oo kale ah ku martigeliyaan dalka JSL oo dhaqaalihiisu ku xidhan yahay xoolaha nool, kulankanina uu ahmiyad gaar ah u leeyahay Somaliland marka loo eego dalalka kale ee IGAD.

Md Cagaweyne waxa uu sheegay in guud ahaan dalalka gobolku aanay sidii ku haboonayd ugaga faa’iidaysan kheyraadka xoolaha nool, inkastoo buu yidhi ay hadda u muuqdaan inay talooyinka noocan ahi dhabada u xaadhayaan go’aan mideysan oo dalalka Igad ka saara dhibaatada ay xoolahoodu la tabaalaysan yihiin.

Dhanka kalena ergooyinkii ka kala socday dalalka Yugaandha, Sudan, jabuuti iyo itoobiya ayaa munaasabadaasi hadalo kookooban ka soo jeediyey iyagoo ku ballanqaaday in mudada kulanku socdo ay qaybtooda ka qaadan doonaan sidii loo soo saari lahaa qorshe lagu midaysan yahay oo lagu maamulo maxjarada xoolaha nool laguna daryeelo caafimaadka guud ee Xoolaha.

Hargaysa SDN

qurbejoog@gmail.com

 

 


Comments are closed