|

Qorshe Lagu Fashilinayo Dowladda Soomaaliya Oo Ka Socdo Muqdisho (Muxuu Yahay)?

Muqdisho May 10 2013 (SDN)— Waxaa Magaalada Muqdisho ka socnayo qorshe balaaran oo lagu fashilinayo  dowladda Federaalka Soomaaliya,kaasoo ay wadaan Xildhibaano iyo siyaasiyiin horay uga tirsanaan jiray dowladii KMG.

Xog hoose aynu ka helanay mudaneyaal ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ,ayaa inoo xaqiijisay in Hoteelada magaalada Muqdisho ay ka socdaan shirar gaar gaar ah oo lagu fashilinayo dowladda Soomaaliya,waxana qorshahaasi hormuud ka ah Gudoomiyihii hore ee Baarlamaankii KMG Shariif Xasan Sh.Aadan.

Sidoo kale xogata aan helanay ayaa sheegeyso la in qorsha lagu fashilnayo dowlada Soomaaliya uu Sharif Xasan Sh.Adan ku bixiyay lacag Dhan $700.000  (Todabo Boqol oo Kun Doolar ).

Waxaana qorshahaasi wakiil uga ah Shariif Xasan labo siyaasi oo kala ah Aadan Maxamed Nuur Aadan Saransoor iyo Maxamed Cabdi Yusuf oo iyaguna la siiyay lacag dhan min $100,00(Boqol Kun Oo Doolar) ,waxaana $2,000 labo Kun doolar loo qorsheeyay Xildhibaankii u codeeyo Moshinka lagu afgambinayo ra’isul Wasaare Saacid iyo Afhayeenka Baarlamaanka Prof. Jawaari.

Wakiilada Shariif Xasan Sh.Adan ayaa  Kulamada looga Soo horjeed Dowladda Soomaali waxeey ku qaataan Hoteelada Jazeera Hotel,Nasahablood,iyoAmiira.

Dhinaca kale Waxaa kulamadaasi lagu maja xaabinayo dowladda Soomaaliya barbar socdo qorshe kale oo lagu difaacyo dowlada Federaalka Soomaaliya,Kuwaasi oo ka socanayo Hoteelada City Plaza, Saxafi,Safari.

Qorshada lagu difaacayo waxaa wado Xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya,haseyeeshee skeekada xiisaha leh ayaa ah in siyaasiyiintaasi difaaceyso dowladda Soomaliya ay shariif Xasan ka qaateen lacag dhan $300,000 Sedex Boqol Kun oo doolar.

SDN-Muqdisho

Comments are closed