Qorshe Lagu Dhagaranayo Masiirka Umadda Oo Madaxtooyadu Qoorta U Gelinayso Qaarka Mid ah Mucaaridkeeda Oo Habacsanaan Laga Dareemay
Hargeysa:Dec,28,2014(SDN/QJ)-Aqalka Madaxtoyada, ayaa maalmahan ku Hawllan qorshe halis ku ah Nabadda iyo Demuqraadiyadda Waddanka, kaas oo ah muddo kordhin loo sameeyo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, iyadoo la kaashanayo Qaar kamid ah Hoggaanka Mucaaridka Somaliland oo Debecsanaan Lagu Arkay.
Xogo si joogto ah u soo gaadhaya warbaahinta Dalka, ayaa sheegaya in Madaxtooyadu toddobaadkii ina dhaafay Badhtamihiisii isku waafaqday in loo baahan sidii loo samayn lahaa Mudo-kordhin kasoo baxda Afka Mucaaridka, taas oo si weyn loo qaadaa dhigay sidii loo heli lahaa ciddii arrintaas soo jeedin lahayd oo waliba kasoo jeedda Mucaaridka Xukuumadda oo xilligan u muuqda qaar kala tagsan oo aan isku mabda’ ahayn.
Xogaha ayaa intaas ku daraya in diiradda Madaxtooyadu markiiba soo qabatay Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo muddoyinkii ugu dambeeyye saaxiib dhaw la ahaa Madaxtooyada, isla-markaana ka gaabsaday Dhaliilihii muddo ka hor madaxtooyada hurdada u diiday, waxana wakhti badan la geliyey sidii arrintaas meel loo saari lahaa, iyadoo aakhirkii masuuliyadda arrintaas la saaray Wasiirrada Madaxtooyada iyo Maaliyadda.
Wasiirradan, ayaa kulamo Qarsoodi ah Guddoomiye Faysal kula qaatay Hutello dalka ku yaalla, waxana ay miiska u saareen in saaxiibtinimada dhaw ee wakhtiyadan uu madaxtooyada la leeyahay darteed la biday inuu noqdo Tiirka Wakhtigan Xukuumadda Muddo-kordhinteeda soo jeediya oo afkiisa kaga dhawaaqa in loo baahan yahay Muddo-kordhin.
Wararka ayaa intaas ku daray in Guddoomiye Faysal Halkaas loogu sameeyey Ballamo xagga dantiisa ah oo badan, balse lama hayo Xaqiiqooyin sheegaya inuu si dhab ah usoo dhaweeyey, iyadoo ay nasoo gaadheen inaanu saluugin balse uu u sheegay inuu kasoo fekerayo qaabkii uu arrintaas usoo jeedin lahaa.
Wasiirradan, ayaa Guddoomiyaha u sheegay in isaga looga Baahan yahay inuu taxo duruufaha taagan ee ay ugu horreeyaan Arrimaha Diiwaangelinta Muwaadiniinta oo aan raaf riixi, diiwaangelinta Codbixiyayaasha oo aan xageeda loo kicin, Arrinta Gobolka Awdal iyo Komishanka oo muddadii yarayd ee ay joogeen u muuqda qaar jaahwareersan oo shaqadu ku Ballaadhatay, isla-markaana aan qaadan Karin Go’aan ay iyagu xaallada lagu jiro ku dabbaqayaan.
Inkastoo la sheegay inuu Faysal Arrimahaas Garwaaqsaday, haddana Xubnahaas muusiinin jawaabtii ay rabeen, waxana loo ballamay Kulamo kale oo dhawaanahan si qarsoodi ah loo yeelan doono.
Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey lagu xamanayey inuu u janjeedhsamay dhinaca Madaxtooyada, waxana shacabku si weyn u tebey sidii uu ula badheedhi jirey sheegidda dhibka xukuumaddu Bulshada qaarkeed ku Hayso iyo waliba Hannaanka ay dalka u maamusho.
Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa waxa Cimrigeedii ka Dhiman muddo Lix Lix Bilood, ah, waxana ay u muuqataa mid ku khaatumaysan doonta Muddo-kordhin muran iyo dhibaato ka dhalato, iyadoo madaxtooyadu xodxodashada ay kula jirto Faysal cali waraabe ay garab waddo mid kale oo ay Hoggaanka Guurtida kaga dalbanayso inay wakhtiga u kordhiyaan.
Sumcadda iyo Karaamada Xukumadda Madaxweyne Siilaanyo hoggaamiyo ayaa dhulka sii gelaysa maaliba maalinta ka dambaysa, waxana muddo kordhinta haatan la qalqaalinayaa keeni kartaa in haatan dad badan oo taageero u hayaa ay laabtooda ka saaraan.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com