Qorshe iyo Talooyin Qayb weyn ka Ciyaaraya Bilicda Caasimada oo Oday Cumar Taraydh u Gudbiyay Maayar Solteco
Hargaysa 14.June 2015 (SDN/QJ)- Guddoomiyaha guddida Horumarinta ee Degmooyinka Maxamed Mooge iyo Maxamuud Haybe ee caasimadda Hargeysa X. Cumar X. Daahir (Tareydh) ayaa soo bandhigay qorshaha sanadka soo socda ee horumarinta Degmooyinkaasi.
Cumar-Tareydh waxa uu sidaa ku sheegay qoraal uu ku saxeexan-yahay waxaanu uu bulshada ku dhaqan labada caasimadda Hargeysa gaar ahaanna labada degmo ee uu metello ku guubaabiyey bixinta cashuurta ku waajibtay oo uu sheegay inay tahay midda wax loogu qabanayo.
Sidoo kale waxay guddidu uga mahad-celiyeen Maayirka Caasimada Hargeysa iyo golihiisa deegaanka sida fiican ee ay u wada shaqeeyaan.
Guddoomiye Cumar-taraydh ayaa qoraalkiisa ku faahfaahiyey waxyaabaha ay guddi ahaan kala shaqeeyeen Dawladda hoose, kuwaas oo ay ka mid yihiin:
In Ubax bilic leh oo idhuhu qabtaan lagu beero isgoyska jidka Total ee xaafadda Dumbuluq, jidkaas oo halbowle u ah isku xidhka degmooyinka Magaalada Hargeysa, maadaama oo jidkaasi muraayad u yahay wufuudda heer caalami ee dalka yimaada marka ay yimaadaan , ay ka dheehanayaan horumarka iyo bilicda caasimadda Hargeysa.
-
Waxa kale oo aanu dawladda hoose kala hawl galnay qorshe shirkadaha adeega korontada lagaga dalbaday inay laambado ku xidhaan dhammaan jidadka degmooyinkan mid baabuurtu marto iyo mid dadku maraanba, jidadkaas oo ay ugu horeeyaan goollada Total ilaa laga gaadhayo saldhiga Qudhac dheer.
-
Suuqa INJI in dib loo furo oo dib u habayn lagu sameeyo kadibna loo soo raro wadhatada ku ganacsata suuqa Waaheen, si saxmada iyo culayska looga qaado suuqa dhexdiisa.
-
Sharkadaha Qashinka in la kormeero iyada oo ay guddidu bishii-ba mar war-bixin ka qorayaan meelaha qashinku yaallo.
-
In la baneeyo Biyo mareennada.
-
In Maayirku Magaalada Daraasad ku sameeyo isaga oo Jaamacadaha iyo Un Habitat la Kaashanaya sidii biyo mareeno iyo habka bulaacadaha Casriga ah Magaalada loogu sameyn lahaa.
-
Guddidu waxay Mareeyaha Biyaha iyo Wasiirka Biyaha-ba kala shaqaynayasa sidii Degmooyinkani Biyo u heli lahayeen iyadoo la dadajinayo Mashaariicda Biyaha.
-
In Basaska loo sameeyo meelo ay istagaan oo BUS STOP ah.
-
In Saldhigyo Boolis la dhiso oo layska Kaashado.
-
Xabaalaha waa in la deyro Degmooyinkani oo dhir lagu beero.
Hargaysa SDN/QJ