|

Qorshe Hor leh oo Dawlada Somalia damacsan tahay in lagu sii daayo Maxaabiista Somalia ee dalalka dibada ku xidhan

Muqdisho 18.October 2013 (SDN)Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay wadda qorshe lagu sii daynayo maxaabiista Soomaalida ah ee ku xiran dalalka Liibiya, India, Kenya, Ethiopia, Seychelles, Yeman iyo dalal kale.

ridwaanAfhayeenka xukuumadda Soomaaliya oo shalay warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay inay Soomaaliya ka codsatay dalalka ay ku xiran yihiin maxaabiista Soomaalida ah iyo hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha in qareenno loo qabto maxaabiista, oo laga shaqeeyo sidii loo sii deyn lahaa.

Ridwaan ayaa sheegay inay dowladda horay ugu guuleysatay inay sii deyso qaar ka tirsan maxaabiista Soomaalida ah ee ku xiran dalalka dibadda.

Afhayeenku wuxuu hadalkan sheegay markii uu soo dhamaaday shirkii toddobaadlaha ahaa Golaha Wasiirrada oo shalay ka dhacay Muqdisho.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed