Qorshe Hawleedkii Higsiga Qaranka ee Biyo gelinta Somaliland ( 2011 – 2015 ) gaar ahaa Master Plan kii Caasimada Hargeisa oo Fashilmay
Dabcan intii Xukuumadan uu gadhwadeenka ka yahay Siilaanyo uu hogaanka dalka haleelay waxaa qaadhaan bixiyeyaasha aduunku ugu deeqeen Somaliland deeq lacageed oo aad u badan si shacabka reer Somaliland u helaan biyo nadiifa oo ku filan. iyada oo deeq bixiye yaasha Somaliland Caawiyaa ay biyo fidinta ku bixiyeen lacag aad u badan ayaa hadana shacabka ku nool caasimada Hargeisa ilaa iyo 80% aaney helin biyo nadiifa oo ku filan. Dawlada Khaliijku ( UAE) waxay Somaliland ugu yaboohday qadar lacag ah oo gaadhaaya $30 Million oo Doolar si loo balaadhiyo biyo gelinta Caasimada Hargeisa. Wadamada Qaramada Midoobey ee (EU) waxay Somaliland u qoondeeyeen qaadhaan waafiya oo gaadhaaya $27.5 Million dollar si loo balaadhiyo biyo gelinta afarta (4) magaalo ee kala ah Hargeisa, Burco, Ceerigaabo iyo Tog-wajaale. ogow oo Lacagtaa badankeeda oo ah $21.3 Million dollar ayaa waxaa loo qoondeeyey in lagu balaadhiyo biyo gelinta caasimada Hargeisa ee haraadku dishooday.
Waxaa iyana loo qoondeeyey qadar aduun ah oo gaadhaaya $28 Million oo dollar dayac tirka iyo dibuhabeynta ceelasha gaboobay ee Geed Deeb leh ee dhaca duleedka caasimada Hargeisa.Sanduuqa Somaliland Trust Fund waxaa mashaariicda biyo gelinta Somaliland looga qoondeey lacag gaadheysa $1.5 million oo dollar iyada oo weliba laga fuudhyeelaayo sifaha ugu fudud ee caasimada Hargeisa biyaha loogu fidin lahaa lacagtaas oo ay bixiyeen dawladaha Denmark iyo UK. Iyana taakulo lacageed oo gaadhaaya $8.5 Million oo dollar ayaa hadana ay wadamada Qaramada Midoobey ay Somaliland ugu deeqeen si biyo nadiif ah loo wada gaadhsiiyo Gobolada iyo Degmooyinka dalka Somaliland oo dhan.
Dhawaan ayaa hadana looga qoondeeyey Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF) cadad lacag ah oo gaadheysa $1.7 Million oo dollar in biyo macaan loogu baadi goobo magaalada laascaanood iyo Berbera taas oo shirkada ( Terre Solidaire ) qandaraas ku raajicinayso. Waxaa iyana Shirkada DNO oo iyadu quud dareyneysa Sahaminta Batrolka gobolada Bariga ee Somaliland ay dhawaan ku yaboohday in ay qadar lacag ah oo gaadheysa $1.1 Million dollar ay ku soo Shubi doonto Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF) si biyo nadiif ah loogu soo saarto magaalooyinka kala ah Cell-Afweyn, Xudur iyo Dararaweyne.
Hadaba Su’aasha caqliga Saaliimka ahi isweydiinaayo ayaa ah ” Waar iyada oo waxaas lacag ah oo Malaayiin Dollar ah lagu bixiyey balaadhinta iyo biyo gelinta Caasimada Hargeisa maxaa biyaha Caasimada hortaagan ee loo dhameys tiri la yahay.?? Xagee wax ka khaldameen ? Jawaabta Su’aashan ayaa noqoneysa ” Waxaan daacad ka aheyn Xukuumada Siilaanyo oo uu musuq-maasuq hadheeyey” Xukuumada Siilaanyo ma laha hanaan wax qabad oo ku dhisan talo-wadaag, Xaliibnaan, isxisaabin iyo hufnaan. Maanta mujtamaca Somaliland way ka wada dheregsan yihiin in aduun badan loogu yaboohay balaadhinta iyo biyo gelinta Caasimada Hargeisa, sidaa daraadeed waxaa Xukuumada Siilaanyo looga fadhiyaa in ay shacabka reer Somaliland u cadeyso meeshii ay martey lacagtaa tirada badan ee biyo balaadhinta Somaliland loo qoondeeyey.Waxaa looga fadhiyaa in ay la timaado Xukuumadu naq iyo nuxur lagu doogsado oo biyo la’aanta shacabka Caasimada Hargeisa hadheeyey lagaga baxo.
Alleh ayaa Mahad Leh,
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi(scs)
Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq,
Qalinkii :A/rahman fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD BA
United Kingdom
London