Qorshaha nabadeynta Soomaaliya ee Britain oo la dhaleeceeyay
London Dec 26,2011(qurbejoog.com)-Qorshe dhawaan ay soo bandhigtay dawlada Britain ayaa waxa ka soo horjeestay kooxaha ka soo horjeeda dagaalada,xeeldheereyaal iyo xildhibaano.
Dadakan ka soo horjeeda farogelin ay UK ku sameyso ayaa soo daliishanaya damac dhaqaale oo UK ku jira,khaasatan shidaalka Soomaliya.
Xildhibaan ka tirsan xisbiga Labourka UK ayaa magaciisa ku biiriyay walaaca laga qabo in faro gelin ciidan ay UK ku sameyso Soomaaliya.
Xildhibaan Jeremy Corbyn ayaa dhawaan saxaafada u sheegay in uu aad uga walaacsan yahay damac shidaal doonka ah ee Britain.
Waxa kale oo uu ku eedeeyay xukuumada Mr Cameron in uu u diyaargaroobayso dagaal.
“Kolka dagaal loo diyaargaroobayo waxaad arkeysaa iyada oo la eegayo qariiradaha Shidaal ka dibna kuwa siyaasada”ayuu yidhi xildhibaanku.
“Halkan(Islington North) waxa ku nool Soomaali faro badan oo ka soo jeeda Koonfurta,mana laha ciidan ayaanu u baahanahay ee waxa ay doonayaa in gacan laga siiyo sidii dawlad dhisideeda looga caawin lahaa”ayuu yidhi xildhibaanku mar kale.
Xeel dheereyaasha ayaa qaba in xukuumada Britain ay dhiiranantan ay Soomaaliya ku faro gelineyso ka heshay guushii ciidamadeedu ka soo hooyeen duulankii Libiya.
Qurbejoog-London